The Immigrant Guide - Somali

Page 29

Habka Waxbarashada 78) Heerarka Dugsiga Waxbarashada  Carruurta ay da’doodu Saddeex-illaa

   

Shan jir tahay waxaa loo arkaa da’da waxbarashada dugsiga ka horaysa. Sida qaalibka ah carruurtu waxay waxbarashada dugsiga xannaanada carruurta ay bilaabaan Bisha August ama Seetambar ee sanadka xuska dalashadooda ee 5aad . Dugsiga hoose waa dugsiga xannaanada carruurta ee soconaya illaa fasalka 5aad ama 6aad. Sida qaalibka ah dugsiga dhexe ama dugsiga sare ee hoose wuxuu soconayaa fasalka 6aad illaa 8aad . Dugsiga Sare waa fasalka 9aad illaa 12aad. Dadka waa-weyn ee aan haysan dibloomada waxay baran karaan oo ay heli karaan shahaadada GED. Sida qaalibka ah waxaa GED waxaa laga soo qaadi karaa in ay u dhigantaa shahaadada dibloomada ee dugsiga sare.

79) Manhajka & Luuqadda Ingiriiska oo Luuqad Labaad ahaan Loo Baranayo (ESL)  Sida qaalibka ah dhammaan ardayda dugsida hoose waxay bartaan xiisado isku mid ah. Sida qaalibka ah ardayda ku jirta dugsiga dhexe iyo dugsiga sare waxay heli karaan fursado ay ku kala dooranayaan xiisadaha ay baranayaan, kuwaas oo ay ku jiraan xiisadaha luuqadaha iyo aartis-ka.  Carruurtaada kala-tasho fursadaha waxbarashada ee ay ka dhex dooran karaan, waxaanad u muujisaa in aad xiisaynaysid arrimahooda waxbarashada.  Waa in dhammaan dugsiyad waxbarashada ee dad-weynuhu ay bixiyaan xiisadaha ESL (luuqadda ingiriisiga).

80) Kaararka Natiijooyinka Waxbarashada  Kaararka natiijooyinka waxbarashadu waxay muujiyaan dadaalka dhinaca waxbarashada ee uu ilmaahagu dugsiga waxbarashada ka muujiyey.  Kaararka natiijada waxbarashada waxaa sanadkiiba laba illaa afar jeer. Dugsiyada qaarkood waxay kaararka natiijooyinka waxbarashada ay si toos ah ugu dhiibaan ardayda, kuwa kalena waxay waxay boosto ugu diraan waalidiinta ardayda.  Carruurtaada u hambalyee marka ay helaan natiijooyin wanaagsan oo dhinaca waxbarashada ah.

81) Celceliska Dhibcaha Natiijooyinka (GPA)  Dugsiyada dhexe, kuwa sare iyo kulliyaduhu waxay natiijooyinka waxbarashada ardaydooda ku muujiyaan xuruufta “A” illaa “E” ama “F”. “A” waa natiijada ugu saraysa, “E” ama “F”-na waa natiijada dhicitaanka muujinaysa.  Arday-weliba wuxuu yeelanayaa celceliska dhibcaha natiijada ee uu helay (GPA). GPA waa dhamaan dhibcaha natiijada uu ardaygu helay oo la soo koobay. Xaraf-weliba wuxuu leeyahay qiimo gaar ah oo ah sida hoos ku qoran: A = 4 dhibcood C = 2 E = 0 B=3 D=1 F=0  4.0 waa GPA-ga ugu sareeya, laakiin dugsiyada qaarkood waxay bixiyaan sharaf iyo xiisadaha AP. Xiisadahani waxay natiijada “A” la simaan dhibco dhan afar ama in ka badan.  “A” oo GPA aad u sareeya ah, waxay ardaydu ku gali karaan kulliyado wanaagsan, waxayna ku heli karaan shaqooyin fiican.

© 2011 Intercambio Uniting Communities. Dhammaan Xuquuqda Daabacaaddu Way Ilaashan-tahay. Iyada oo aan marka hore ogglaansho looga helin Intercambio lama badin karo. 28


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.