2 minute read

Dukaamaysi

Next Article
Habka Waxbarashada

Habka Waxbarashada

119) Beddelidda Cabbirada Kaladuwan

 Maraykanku ma isticmaalo habka cabbirka ee loo-yaqaano “metric system”. Waa in aad baratid beddelidda noocyada kala-duwan ee cabbirada ee hoos ku qoran:

1 pound (lb) .45 kilogiraam (kg) 16 awunis (oz)

1 mile 1.6 Kilomitir (km) 1 inch 2.5 seentimitir 1 fuudh .3 mitir 12 iinji 70 dhigrii faareenhaay it 21.1 dhigri seelishiyas F = 9/5C +32 1 gaalloon 3.8 litir 4 kuwaarti s = 8 biintis = 16 koob  Waa in aad garatid inta fuudh iyo i ee uu dhararkaagu yahay iyo inta pound ee uu miisaanka jidhkaagu yahay.

120) Akhrisashada Taariikhda

Dhicitaanka

 Weelasha cuntooyinka iyo cabbitaanada lagu soo qasacadeeyo waxaa lagu soo qoro taariikhdan ay dhacayaan. Taariikhdani waxay kuu sheegaysaa xilliga ay cuntadu ama cabbitaanku bilaabayo in uu xumaado.  Waxaad hubisaa in aanad gurigaaga ku dhex-cunin cunto uu wakhtigeedu dhacay – waxaa dhici karta in aad ku xanuunsatid.  Marwelba waxaa taariikhda dhicitaanka loo qoro naqshad ah bisha/maalinta/sanadka (Noofeembar 18, 1977 waxaa loo qorayaa 11/18/1977).

121) Helitaanka Kaararka

Iibsadayaasha, Isticmaalidda

Boonooyinka, &

Kaataaloogyada

 Suuqyo badan oo waa-weyn (supermarkets) iyo dukaanada lagu iibiyo qalabyada xafiisyada dadka magacyadooda iyo cinwaanadooda xaggooda ka diiwaan-geliya waxay siiyaan kaararka qiimaha la-dhimay.  Waxaa kale oo boonooyinka ka heli kartaa wargaysyada.

122) Iibka Xaraashka iyo

Dukaanada Tashiilidda

 Iibka xaraashka waxaa sida qaalibka ah la qabtaa maalmaha Sabtida iyo

Axadda.  Dadku waxay fuliyaan iib xaraash ah oo ay ku iibiyaan alaabta duugga ah ee ay isticmaaleen. Sida qaalibka ah waxaad heli kartaa dhar, saamaan iyo qalabyo kale oo wanaagsan oo la iibinayo maalmaha alaabta la xaraasho iyo dukaanada tashiilidda.  Sida qaalibka iibkan xaraashka ahi waa mid laga gorgortami karo.

123) Celinta & Lacag u Celinta Qofka Alaab Iibsada

 Dukaanadu waxay leeyihiin qaanuun kala-duwan oo ku-saabsan dib u celinta alaabta laga iibsaday. Qaar dukaanada ka mid ahi waxay kuu oggolaanayaan in aad beddelka alaabta aad soo celisay aad shay kale qaadatid, qaar kalena waxay kuu celinayaan lacagtaada.  Waxaad hubisaa in aad haysatid risiidhka aad ku iibsatay alaabta aad iska-celinaysid.  Qaar alaabka qaaliga ah ka mid ahi waxay leeyihiin dammaanad qoraal ah oo ay shirkaddu ku muujinayso in haddii muddo kooban gudaheed ay alaabtu ay kaa iibisay jabto ay kuu dayactiri doonto ama ay kuu beddeli doonto.

© 2011 Intercambio Uniting Communities. Dhammaan Xuquuqda Daabacaaddu Way Ilaashan-tahay. Iyada oo aan marka hore ogglaansho looga helin Intercambio lama badin karo.

This article is from: