The Immigrant Guide - Somali

Page 39

Dukaamaysi 119) Beddelidda Cabbirada Kaladuwan  Maraykanku ma isticmaalo habka cabbirka ee loo-yaqaano “metric system”. Waa in aad baratid beddelidda noocyada kala-duwan ee cabbirada ee hoos ku qoran: 1 pound (lb)

.45 kilogiraam (kg)

1 mile

1.6 Kilomitir (km) 2.5 seentimitir

1 inch 1 fuudh 70 dhigrii faareenhaay it 1 gaalloon

16 awunis (oz)

.3 mitir 21.1 dhigri seelishiyas

12 iinji F= 9/5C +32 3.8 litir 4 kuwaarti s=8 biintis = 16 koob  Waa in aad garatid inta fuudh iyo i ee uu dhararkaagu yahay iyo inta pound ee uu miisaanka jidhkaagu yahay.

120) Akhrisashada Taariikhda Dhicitaanka  Weelasha cuntooyinka iyo

cabbitaanada lagu soo qasacadeeyo waxaa lagu soo qoro taariikhdan ay dhacayaan. Taariikhdani waxay kuu sheegaysaa xilliga ay cuntadu ama cabbitaanku bilaabayo in uu xumaado.  Waxaad hubisaa in aanad gurigaaga ku dhex-cunin cunto uu wakhtigeedu dhacay – waxaa dhici karta in aad ku xanuunsatid.  Marwelba waxaa taariikhda dhicitaanka loo qoro naqshad ah bisha/maalinta/sanadka (Noofeembar 18, 1977 waxaa loo qorayaa 11/18/1977).

121) Helitaanka Kaararka Iibsadayaasha, Isticmaalidda Boonooyinka, & Kaataaloogyada  Suuqyo badan oo waa-weyn (supermarkets) iyo dukaanada lagu iibiyo qalabyada xafiisyada dadka magacyadooda iyo cinwaanadooda xaggooda ka diiwaan-geliya waxay siiyaan kaararka qiimaha la-dhimay.  Waxaa kale oo boonooyinka ka heli kartaa wargaysyada.

122) Iibka Xaraashka iyo Dukaanada Tashiilidda  Iibka xaraashka waxaa sida qaalibka ah la qabtaa maalmaha Sabtida iyo Axadda.  Dadku waxay fuliyaan iib xaraash ah oo ay ku iibiyaan alaabta duugga ah ee ay isticmaaleen. Sida qaalibka ah waxaad heli kartaa dhar, saamaan iyo qalabyo kale oo wanaagsan oo la iibinayo maalmaha alaabta la xaraasho iyo dukaanada tashiilidda.  Sida qaalibka iibkan xaraashka ahi waa mid laga gorgortami karo.

123) Celinta & Lacag u Celinta Qofka Alaab Iibsada  Dukaanadu waxay leeyihiin qaanuun

kala-duwan oo ku-saabsan dib u celinta alaabta laga iibsaday. Qaar dukaanada ka mid ahi waxay kuu oggolaanayaan in aad beddelka alaabta aad soo celisay aad shay kale qaadatid, qaar kalena waxay kuu celinayaan lacagtaada.  Waxaad hubisaa in aad haysatid risiidhka aad ku iibsatay alaabta aad iska-celinaysid.  Qaar alaabka qaaliga ah ka mid ahi waxay leeyihiin dammaanad qoraal ah oo ay shirkaddu ku muujinayso in haddii muddo kooban gudaheed ay alaabtu ay kaa iibisay jabto ay kuu dayactiri doonto ama ay kuu beddeli doonto.

© 2011 Intercambio Uniting Communities. Dhammaan Xuquuqda Daabacaaddu Way Ilaashan-tahay. Iyada oo aan marka hore ogglaansho looga helin Intercambio lama badin karo. 38


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.