4 minute read

Guri

12) Helitaanka Guri

 Guri aad dagtid waxaad ka heli kartaa: - Shabakadda Internet-ka (craiglist.com). - Saaxiibbada oo aad kala-hadashid. - Xayaysiiyada wargaysyada ku soo-baxaya. - Wakaaladaha Guriyeynta. - Raadsashada Calaamadaha Guryaha Kirada.  Guryaha, Dabakhyada iyo guryaha tiraylarka waxaa la heli karaa iyo oo qalabaysan ama aan qalabaysnayn.  Haddii ay suuragel tahay, waxaa la kiraysan karaa hal qol oo guri ama dabakh ka-tirsan. Fursadahan waxaa laga heli karaa qaybta “rooms and shares” ee shabkadda internet-ka ee uu ciwaankeedu yahay craigslist.com.  Marka aad guri kiro ah codsanaysid, waxaa dhici karta in lagu waydiiyo lambarkaaga dammaanadda bulshada (social security) iyo tix-raacyo aad ka soo qaadatay shaqaaleeyayaashaada iyo kuwaad xilliyadii hore guri ka kiraysatay. Tix-raacyadi waxay noqon karaan caddaymo muujinayaa in aad kirada iska-bixin karaysid.  Waxaa muhiim ah in xidhiidh wanaagsan la yeelatid kuwa guriga kaa kiraynaya.  Haddii aad doonaysid kuwa qaybaha kala duwan loo kala-saaray, waxaad la qabsataa ereyada la soo gaabiyey ee ay ka mid yihiin kuwa hoos ku qoran:

FURN – qalabaysan BR – qolka jiifka

BA – qubayska DEP – kayd

13) Kirayn

 Markaad guri kiraysanaysid, sida qaalibka ah waxaa lagu waydiinayaa in aad bixisid lacag dammaanad ah. Sida qaalibka ah lacagta dammaanaddu waxay dhan-tahay lacagta bil kiradeed.  Haddii aad guriga waxyeello u gaysatid, waxaa dhici karta in uu kireeyuhu uu qaato qayb ka mid ama dhammaan lacagta dammaanadda ama in uu ku waydiisto lacag dheeraad ah.  Ka-hor intaanad guriga u guurin, waxaad mar-welba diiwaan-gashataa ama aad sawir ka-qaaddaa dhibaatooyin-kasta oo guriga kamuuqda.  Sida caadiga ah dadka kiraystayaasha ahi mas'uul kama ah waxyeelooyinka guriga soo gaadha ee isticmaalka caadiga ah ama gabowga la-xidhiidha.

Tusaale, haddii uu qalabka maacuunta lagu dhaqo uu duugoobo gabow awgeed u shaqayn-waayo, waxaa mas'uul ka noqonaya kireeyaha.

© 2011 Intercambio Uniting Communities. Dhammaan Xuquuqda Daabacaaddu Way Ilaashan-tahay. Iyada oo aan marka hore ogglaansho looga helin Intercambio lama badin karo.

14) Heshiiska Kirada

 Heshiiska kiradu waa dukumeenti muujinaya qandaraas sharciyeed oo ay ku-saxeexan yihiin kireeyaha guriga iyo kiraystaha gurigu.  Dukumeentiga heshiiska guriga waxaa ku jira xog ay ka mid yihiin kuwa hoos ku qoran: - Caddadka lacagta kirada ee aad bilwelba bixin doontid. - Ganaaxaayada aad bixinaysid haddii dib uga dhacdid wakhtiga saxda ee lacagta kirada lagaa rabo. - Dhinaca mas'uulka ka noqon doonaa bixinta lacagta biyaha, gaaska iyo adeegga qashin-qubka. - Xilliga uu kireyuhu lacagta kirada kordhinayo iyo caddadka uu ku kordhinayo. - Xilliga heshiiska kirada la cusboonaysin karo, ama uu joogsanayo ama uu bil-ka-bil u socon doono. - Tirada dadka guriga ku noolaan doona. - Inta bilood ee aad guri ku noolaan karaysid.  Kirada ku saleysan bil-ka-bil waxay sheegtaa in kireystaha ama milkiilaha hantida soo af jari karo heshiiska muddo hal bil kaddib. Haddii kireystaha ama milkiilaha hantida aysan waxba baddalin, si toos ah ayuu heshiiska dib u soo cusbonaadaa marka la gaaro dhamaadka bil kasta,

15) Xallinta Dhibaatooyinka

 Kirayeyayaasha waxaa looga-baahan yahay in uu ilaaliyo ammaanka hantidiisa ma-guurtada ah iyo in uu xaalad wanaagsan ku xafido. Haddii uu dabakhaagu dayactir u baahan yahay: 1. Kireeyaha wac oo sharraxaad ka sii dhibaatada jirta. 2. Haddii uu kirayuhu jawaab ka bixin-waayo, warqad u dir oo koobbi la hadh. 3. Haddii uu warqaddana ka jawaabi-waayo, wac xafiiska guriyeynta ee goobtaada ka jira.

16) Guuritaanka

 Markaad guuraysid xafiiska boosta ama ciwaanka shabakadda internet-ka ee ah usps.com ku buuxi foomka guuritaana.  Beddel qufulada qufulada ku yaalla gurigaaga cusub ee aad u guurtay.  Markaad guuraysid guritaankaaga ogaysii saaxiibbadaa, qoyskaaga iyo qaybaha kala-duwan ee hoos kuqoran: - Korontada, gaaska, biyahay, taleefoonka, khadka (cable), internet-ka, iyo shirkadaha xashiishka qaada. - Baananka, ururrada daynta iyo shirkadaha kireedhit kaarka. - Dhakhtarka, dhakhtarka ilkaha, iyo wakaaladaha caymiska. - Waaxda baabuurta.

17) Dabka & Ku-sumoobidda

Naqaska CO

 Digniin-bixiyaha qiiqu waa qalab si weyn u dhawaa marka uu qiiq dareemo. Dabaq-kasta oo gurigaa katirsan ku-rakib qiiq dareemaha.  Sababaha ugu-badan ee keena dabka guryaha qabsada waxaa ka mid ah sigaarka, carruurta oo daruurta oo dab ku-ciyaarta, shumaca, iyo qalabyada kale ee kulka leh ee sida shooladaha iyo wixii la mid ah.  Marka aad cunto karinaysid ama biyo karkarinaysid marnaba jikada ha ka bixin.  Naqaska la yidhaahdo Kaarboon

Moono-Oksaayidh (CO) waa naqas sun ah oo aan ur iyo midab lahayn.

Caddadka badan ee naqaska CO wuu ku dili karaa.  Guri-welba waa in uu ugu-yaraan yeesho hal qalab oo dareema naqaska

CO.

18) In La Noqdo Daris Wanaagsan

 Xashiishka iyo walaxyada kale ee dib loo isticmaali karo dibadda u saar keliya marka la qaadayo maalintiisa ama maalinta xigta.  Haddii aad buuq badan-tahay, gaar ahaan saacadaha danbe ee habeenkii, waxaa dhici karta in ay dariskaagu boolis u yeedhaan. Waxaa dhici karta in uu boolisku ganaax badan ku saaro.  Hubi in ayna carruurtaadu ama xayawaankaaga guri-joogtu ayna waddooyinka ama guryaha dadka kale ku ciyaarayn.  Baabuurta jooji keliya goobaha sharciyaysan ee la oggolayahay.

19) Caymiska Guryaha &

Kiraystaha

 Haddii aad iibsatid caymiska guriga iyo kiraystayaasha, haddii ay gurigaaga waxyeello soo gaadho waxaad heli kartaa lacag. Waxyeellooyinka noocan oo kale ah waxaa ka mid ah dabka, xatooyada ama waxyeellada ka timaadda jawiga/cimilada.

© 2011 Intercambio Uniting Communities. Dhammaan Xuquuqda Daabacaaddu Way Ilaashan-tahay. Iyada oo aan marka hore ogglaansho looga helin Intercambio lama badin karo.

This article is from: