The Immigrant Guide - Somali

Page 7

13)

Guri 12)

 Markaad guri kiraysanaysid, sida

Helitaanka Guri

 Guri aad dagtid waxaad ka heli kartaa: Shabakadda Internet-ka (craiglist.com). - Saaxiibbada oo aad kala-hadashid. - Xayaysiiyada wargaysyada ku soo-baxaya. - Wakaaladaha Guriyeynta. - Raadsashada Calaamadaha Guryaha Kirada. Guryaha, Dabakhyada iyo guryaha tiraylarka waxaa la heli karaa iyo oo qalabaysan ama aan qalabaysnayn. Haddii ay suuragel tahay, waxaa la kiraysan karaa hal qol oo guri ama dabakh ka-tirsan. Fursadahan waxaa laga heli karaa qaybta “rooms and shares” ee shabkadda internet-ka ee uu ciwaankeedu yahay craigslist.com. Marka aad guri kiro ah codsanaysid, waxaa dhici karta in lagu waydiiyo lambarkaaga dammaanadda bulshada (social security) iyo tix-raacyo aad ka soo qaadatay shaqaaleeyayaashaada iyo kuwaad xilliyadii hore guri ka kiraysatay. Tix-raacyadi waxay noqon karaan caddaymo muujinayaa in aad kirada iska-bixin karaysid. Waxaa muhiim ah in xidhiidh wanaagsan la yeelatid kuwa guriga kaa kiraynaya. Haddii aad doonaysid kuwa qaybaha kala duwan loo kala-saaray, waxaad la qabsataa ereyada la soo gaabiyey ee ay ka mid yihiin kuwa hoos ku qoran: FURN – qalabaysan BR – qolka jiifka BA – qubayska DEP – kayd -

 

 

Kirayn

qaalibka ah waxaa lagu waydiinayaa in aad bixisid lacag dammaanad ah. Sida qaalibka ah lacagta dammaanaddu waxay dhan-tahay lacagta bil kiradeed.  Haddii aad guriga waxyeello u gaysatid, waxaa dhici karta in uu kireeyuhu uu qaato qayb ka mid ama dhammaan lacagta dammaanadda ama in uu ku waydiisto lacag dheeraad ah.  Ka-hor intaanad guriga u guurin, waxaad mar-welba diiwaan-gashataa ama aad sawir ka-qaaddaa dhibaatooyin-kasta oo guriga kamuuqda.  Sida caadiga ah dadka kiraystayaasha ahi mas'uul kama ah waxyeelooyinka guriga soo gaadha ee isticmaalka caadiga ah ama gabowga la-xidhiidha. Tusaale, haddii uu qalabka maacuunta lagu dhaqo uu duugoobo gabow awgeed u shaqayn-waayo, waxaa mas'uul ka noqonaya kireeyaha.

© 2011 Intercambio Uniting Communities. Dhammaan Xuquuqda Daabacaaddu Way Ilaashan-tahay. Iyada oo aan marka hore ogglaansho looga helin Intercambio lama badin karo. 6


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.