4 minute read

Sharciga iyo Kaalinta Booliska

Next Article
Dukaamaysi

Dukaamaysi

Shuruucda iyo wakaaladaha dhaqan-gelinta shuruucdu waxay bulshooyinkeenna ka dhigayaan goobo ammaan ah oo lagu noolaan karo, laga-shaqaysan karo laguna dal-xisii karo. Boolisku waa-qayb minitid ah oo sharciga u ugu hoggaansan sida uu u qoran-yahay. Marnaba ha laalushin sarkaalka sharciga. Sarkaashi booliska marwelba ula hadal si xurmayn leh.

1) Wicidda 911

 911 wuxuu si dagdag ah ugaga jawaabaa wicitaanada gurmadka degdegga ah u baahan. Waxaad 911 u wici kartaa: - Ogaysiinta dab kacay. - Si aad warbixin uga gudbisid fal-dambiyeed gacanta lagula jiro oo markaas socda. - Si aad warbixin uga gudbisid shil gaadhi oo dhacay. - Si aad u xaalado caafimaad oo dagdag ah aad gaadhiga ambalaasta ugu heshid.  Isu diyaari in aad bixisid cinwaankaada iyo macluumaadkaada ku saabsan degdegga. Haddii aadan ku hadlin Ingiriisi, waxaad weydiisan kartaa turjubaan.

2) Khamriga & Daroogooyinka

 Cabbitaanka khamrigu wuxuu ku kooban-yahay dadka waa weyn ee ay da'doodu tahay 21 jir ama wixii ka weyn. Marka aad khamri dalbanaysid ama markaad makhmaradaha galaysid waxaa lagu waydiinayaa caddayn da'daada muujinaysa.  Qofka khamri u shuba dadka ay da'doodu 21 jir ka hoosayso, waa laganaaxayaa.  Sida qaalibka ah waa sharci-darro in khamriga lagu cabbo waddooyinka ama meelo guri ka-baxsan.  Dadka qaxootiga/soo-haajiray in lagu caddeeyo in ay haystaan ama ay iibinayaan daroogooyin sharci-darro ah, waxaa dhici karta in dalka laga eryo ama in xabsiga la dhigo.  Khamriga oo lagu cabbo meelo ay carruuri jooto waxaa loo arki karaa xadgudub carruurta lagu sameeyay.  Haddii adiga ama qof kale oo aad garanaysid uu dhibaato la kulmo, waxaad la xidhiidhi kartaa barnaamijyada baxnaanaynta daroogooyinka iyo khamriga, sida "Alcoholics Anonymous" (AA) iyo "Narcotics Anonymous" (NA).

3) Cabbitaanka Khamriga iyo

Gaadhi Wadidda

 Haddii marka khamri la-cabbo kaddib gaadhi la-kaxeeyo, waxay taasi keeni kartaa dhibaatooyin halis ah.  Haddii lagu qabto in ka-badan hal jeer adiga oo khamri cabbiyey oo gaadhi waada, waxaa lagugu xidhayaa dambiga gaadhi wadidda adiga oo sakhraansan (DUI) ama gaadhi wadidda iyada oo ay kartidaadu hoosayso (DWAI).

4) Garo Xuquuqahaaga

 Haddii uu xubin booliska ka tirsan ama sarkaar socdaal (immigration officer) uu su’aalo ku-waydiiyo, waxay xaq u leedahay in aamusnaatid (jawaab kabixin waydid).  Ka-hor intaanad su’aalo kasta kajawaabin ama aanad dukumeenti kasta saxeexin, waxaad codsan kartaa in aad marka hore qareen sharciyeed kalatashatid.  Haddii aanad qareen sharciyeed haysan, dawladda ayaa qareen sharciyeed kuu samaynaysaa.  Saraakiisha sharci fulinta waxaad in ay gurigaaga baadhaan u oggolaanaysaa keliya marka ay haystaan warqad caddaynaysaa in baadhitaankaas loo oggolaaday.

5) Xad-gudubka Dhinaca

Galmada

 Xad-gudubka dhinaca galmada waxaa sida qaalibka ah ka mid ah dabeecado soo noqnoqda oo qofka lagu waydiisanayo xidhiidh galmo, dabeecado aan la jeclaysanayn oo qaab-galmo u muquuda (taataabashada garbka ama dhabarka), ama muuqaalka qofka oo laga faalloodo.

6) Weerar Dhinaca Galmada ah

 Qof-kasta oo lagu qasbo ficil-kasta oo galmo waa dambi federaal ah. Waxaa dambiyad ka mid ah qofka oo xidhiidh galmo lala-yeesho iyada oo aan xaggiisa oggolaansho laga haysan.

Haddii qofka oo “maya” kaga jawaabay ficilka galmada la sii wado, waxaa ficilkaasi lagu tilmaamayaa weerar dhinaca galmada ah.  Waxaa jirta da’ la xadeeyay. Waa sharci daro in qofka ay da’diisu ka yartahay xad la-go’aamiyey lagaga qalqaashado xidhiidh galmo. Sida qaalibka ah da’dani ugu yaraan waa 18 jir.

7) Xad-guduka Guriga Dhexdiisa Ka Dhaca

 Xad-gudubka guriga dhexdiisa ah iyo xad-gudubka dhinaca dareenku waa dabeecado uu qofku u adeegsanayo si uu kuwa kale. Tusaalooyinka xadgudubyada noocan oo kale ah waxaa ka mid ah: - Aflagaaddo, magac bi'in. - Qofka lammaanaha oo loo diido in uu qoyskooda ama saaxiibbadiisa la-xidhiidho. - Lammaanaha oo loo-diido in uu shaqo helo ama in uu shaqadiisa sii wato. - Lammaanaha oo lacagta laga ilaaliyo. - Qofka oo loo gaysto gacan-qaad dhab ah ama hanjabaad dhab ah.  Xad-gudubka (qaska) waxaa loo arki karaa fal-dambiyeed, waxaana xadgudubyada noocaas ah ka mid ah: - Gacan-qaad - ku-dhufasho, riixid, iwm. - Xad-gudubka dhinaca galmada ah - xidhiidh galmo oo aan la doonayn ama mid qasab ah. - Gaadmada dumarka loo-gaysto - fiiro dhinaca galmada ah oo aan la doonayn oo soo noqnoqota.  Haddii dhibaatooyin noocan oo kale ah laguu gaysto, soo wac 911.

8) Takoorid

 Waa sharci-darro in qofka lagu takooro qolada uu ka tirsan-yahay, midabkiisa, jinsigiisa, diintiisa, dalka uu ka soo jeedo, nafaanimada, hannaankiisa galmo, ama da'diisa.  Waxaa arrintan laga dhaqan-gelinayaa dhinaca codsiyada guriga iyo shaqaalaynta.

© 2011 Intercambio Uniting Communities. Dhammaan Xuquuqda Daabacaaddu Way Ilaashan-tahay. Iyada oo aan marka hore ogglaansho looga helin Intercambio lama badin karo.

9) Xatooyada

 Ha kala tagin dukaanka badeeco aadan lacag ka bixinin.  Dukaamo badan ayaa waxay leeyahiin sekuriti, waxaana dhici karto in ay ku xeraan haddii aad shay xaddid.

Waxaana ka mid ah badeecada yaryar iyo badeecada jaban.  Waxaad kaloo mudan tahay in lagu xero haddii aad shay ka xaddid dadka kale.

10) Helitaanka Caawimaad

Sharciyeed

 Si aad u heshid qareen sharciyeed oo la isku-halayn karo oo lagu heli karo qiimo jaban ama caawimaad sharciyeed oo bilaa lacag ah, waxaad la tashataa saaxiibbadaa ama xarumaha sharciga.  Qareenada sharciyeed waxay ujrooyinkooda adeegga u qaataan habab kala-duwan, waxaana hababkaasi ka mid ah: - Qiimaha saacadda, habkani waa mid lacagta adeegga sharciyeed ee aad bixinaysid lagu salaynayo inta saacadood ee uu qareenka sharciyeed uu arrintaada ka shaqaynayey. - Qiima go'an oo markii ugu horaysa ee hawsha la-bilaabayo laga heshiinayo. Qiimahaasi wuxuu noqonayaa mid aan waxba lagabeddelayn oo aan ku xidhnaanayn inta sacaadood ee qareenka sharciyeed uu adeeggiisa dhinaca sharciyeed bixiyey. - Caddad lacageed oo qareenka sharciyeed la siinayo, haddii doodda sharciyeed lagu guulaysto.  Hayso lambarka taleefoonka qareenkaaga sharciyeed si aad ula xidhiidhid haddii ay dhacaan arrimo kadis ah.

11) Shuruudaha Lagu Helayo

Jinsiyadda Maraykanka

 Adeegga Jinsiyadda Maraykanka iyo

Socdaalku (USCIS.gov) wuxuu haya xog ku-saabsan sida lagu qaadan karo

Jinsiyadda Maraykana.  Wuxuu hayaa waxtar u leh dadka qaxootiga/socotoda ah iyo hay'adaha, oo ay ka mid yihiin tilmaamaha soo dhawaynta, qalabyada waxbarashada iyo foomamka.

This article is from: