9 minute read

Caafimaadkaiyo Dawaynta

Next Article
Xidhiidhka

Xidhiidhka

45) Qolka Adeegga Caafimaadka ee Degdegga ah (ER)

 Waxaad garataa qolka adeegga caafimaadka degdegga ah (ER) ee ka jira goobta gurigaaga ugu dhaw.

Qaybta adeegga caafimaadka ee degdegga ah bixiya waa in ay daweeyaan dadka dawaynta degdegga ah u baahan, oo ay ku jiraan xataa kuwa aan lacagta adeegga iska-bixin karayn.  Qaybaha adeegga caafimaadka ee degdegga (ER) bixiya waxay furan yahay 24-ka saacadood ee maalinta.  Adeegga caafimaadka ee ER ay bixiso wuxuu noqon karaa mid qaali ah, gaar ahaan haddii aanad haysan caymiska caafimaadka.  Dhibaatooyinka dhinaca caafimaadka ee dawaynta degdegga ah u baahan waxaa ka mid ah kuwa hoos ku qoran: - Dhibaato xagga neefsashada ah. - Miyir beelidda ama dawaakhadda kadiska ah. - Isbeddel dhinaca aragga indhaha ah. - Xanuun ba’an oo kedis ah. - Xanuun ama cadaadis laabta ah. - Dhiig daadanaya oo joogsan-waaya.  Xogta aad u gudbinaysid dhakhaatiirta, kal-kaaliyayaasha caafimaadka iyo shaqaalaha cusbitaalka waxaa loo xafdi doonaa si qarsoodi ah.

46) Xarumaha Daryeelka

Caafimaadka Degdeggaq ah

 Xarumaha daryeelka caafimaadka degdeggu waxay daweeyaan bukaanada uu dhaawac soo gaadhay ama xanuunsanaya ee u baahan daryeel caafimaad oo degdeg ah balse ayna xaaladdu gaadhsiisnayn heer loo geeyo ER. Daryeelka degdeggu wuxuu noqon karaa mid xawli-dheer lagu fuliyo, qiimahooduna wuu ka jabanyahay qiimaha adeegga ER.  Sida qaalibka ah xarumaha dareeylka caafimaadka degdegga ah wakhtiweba ma furna.

47) Habka Daryeelka Caafimaadka

 Waxaa jira fursado badan oo caymiska caafimaadka lagu heli karo. Qaar ka mid ah shaqaaleeyayaashu waxay bixiyaan qayb ka mid ah ama dhammaan caymiska caafimaadka ee shaqaalahooda.  Marka aad caymiska caafimaadka iskaa aad u iibsanaysid qiimihiisu wuxuu qaalibu noqon karaa, laakiin wuxuu kaa dhimayaa biilasha caafimaadka ee aad u badan.  Waxaa hoos ku qoran qaar ka mid ah ereyo lagaaga baahan-yahay in aad macnahooda fahantid: - Premiums (carbuun) – lacagta caymiska ee aad bil-welba bixinaysid. - Co-pay (wada-bixin) – waa lacag yar oo joogto ah oo aad bixinaysid mar-kasta oo aad adeeg caafimaad heshid, waxaana lacagaha noocaas oo kale ah ka mid ah $30 oo aad kabixinaysid baadhitaanka joogtada ah ama $100 oo aad bixinaysid marka aad tagaysid ER. Kharashka intiisa kale waxaa bixinaysa shirkadda aad caymiska ku leedahay. - Deductible (kuwa la dhimi doono) – caddadka lacagta ee aad kharashyada ku bixinaysid ka hor intuusan caymisku wax lacag ah bixin.  Bulshooyinka intooda badani waxay leeyihiin rugo caafimaad iyo Waaxyada

Caafimaadka Dadweynaha oo qiimo jaban ku bixiya adeegga caafimaadka.

48) Buuxinta Foomamka

Caafimaadka

 Marka aad dhakhtarka la kulantid ama aad buuxisid foomamka caafimaadka, waxaa lagu waydiin doonaa arrimo ay ka mid yihiin: - In aad cawooyinka ku caarootid iyo in kale. - Haddii ay jiraan xanuunyo xilliyadii hore ku-dhacay. - Caddadaka khamriga iyo sigaarka aad cabtid. - Xaaladda caafimaadka qoyskaaga. - Haddii ay jiraan dawooyin aad imika qaadatid iyo kuwa ay yihiin. © 2011 Intercambio Uniting Communities. Dhammaan Xuquuqda Daabacaaddu Way Ilaashan-tahay. Iyada oo aan marka hore ogglaansho looga helin Intercambio lama badin karo.

49) La Xidhiidhidda Dhakhaatiirta

 Ha ka-cabsan in aad dhakhtarkaaga waydiisid su’aalo-kasta oo aad qabtid.

Su’aalaha aad soo jeedin kartid waxaa ka mid ah kuwa hoos ku qoran: - Garmoonaan bilaabi doonaa in aan ladnaansho dareemo? - Sideen uga mustaqbalka ugaga hortagi karaa si ayna xaaladdan mar-kale u dhicin? - Miyey jiraan caalamado loo-baahanyahay in aan ka fiirsado?

50) Dawooyinka & Tilmaamaha Dawooyinka Ku-qoran

 Dawooyinka gaarka ah waxaad ku heli kartaa amarka dawooyinkaasi ee uu dhakhtar kuu qorayo. Dawooyinka lagu qoray waxaad ka iibsan kartaa farmasiiga.  Dawooyinka aan amar dhakhtareed u baahnayn waxaa ka mid ah Tylenol iyo

Advil, kuwaas oo aad dukaanada ama farmasiiga ka iibsan karaysid adiga oo aan lagu waydiinayn amar dhakhtareed.  Dhammaan dawooyinka waxaa la soo raaciyaa tilmaamo kuu sheegayaa arrimaha hoos ku qoran: - Sida daawada u qaadanaysid. - Caddadka dawada ee aad qaadanaysid, sida inta xabbo ee kiniinka ee aad qaadanaysid. - Inta-jeer ee aad maalin welba dawada qaadanaysid. - Tirade inta maalmood ama toddobaad ee aad dawada qaadan karaysid.  Waxaa iska-hubisaa taariikhda ay dawadu dhacayso, haddii taariikhdaas la gaadhayna dawada ha isticmaalin.

51) Niyad jabka

 Caajisku waa dhibaato ay dad badan la kulmaan oo ay calaamadaheeda ka mid noqon karaan: - Dareen murugo iyo daal saa’id ah. - Dareen xun iyo mid danbiilenimo. - Shaqooyinka oo aan la xiisaynayn. - Qofka oo ay ku adkaanayso in uu dareenkiisa xakameeyo. - Hurdo la’aan ama hurdo saa’id ah. - Qofka oo ka fikiraya in uu qudha iska-jaro.  Dad badan oo dhibaatadan caafimaad qaba si wanaagsan ayaa looga dawayn karaa.  Haddii aad dareensan-tahay in aad dhibaato caafimaad oo noocan oo kale ah qabtid, durba la-xidhiidh adeegbixiye caafimaad.  Haddii aad u malaynaysid in uu qof saaxiibkaaga ahi uu ku dhaqaaqi karo in uu qudha iska-jaro oo ay halis noocaasi ahi jirto, wac taleefoonka 911.

52) Tala-bixinta

 Waxaa caadi ah in loo tago tala-bixiye ama daweeye (therapist). Talabixiyayaashu waxay kaa caawin karaan arrimaha qoyska, arrimaha shakhsiyeed, caajiska, murugada, iwm.  Dad badan oo qaxooti/socoto ahi marka ay dhaqan cusub laqabsanayaan waxay dareemaan cadaadis xagga niyadda ah.  Adeegyada bulsheed ama adeegbixiyahaaga caafimaadku waxay ku fiidin karaan adeeg dhinaca caafimaadka maskaxda ah oo uu qiimihiisu jaban-yahay.

53) HIV & AIDS

 HIV-gu waa fayraska sababa cudurka

AIDS-ka. Qofka uu fayraskani ku dhaco wuxuu qofku fayow ugu gudbin karaa habab kala-duwan oo ay ka mid yihiin dhiigga, biyaha raga, qoyaanka cawrada haweenka, iyo caanaha naaska hooyada.  Xaaladaha halista ah ee fayraskan lagu kala-qaado waxaa ka mid ah: - In xidhiidh galmo la yeesho iyada oo aan difaac la adeegsanayn. - In irbadaha iyo qalabyada kale ee caafimaadka la-wada-isticmaalo.  Goobaha intooda badani waxay bixiyaan adeegyo cudurkan lagu baadho oo bilaa lacag ah.  Waa sharci in aad dhakhtarkaaga u sheegtid haddii aad uu fayraska HIV-gu jidhkaaga ku dhex jiro.

54) Tallaalada & Baadhitaanka

Caafimaadka

 Dadku sida qaalibka ah halkii sanaba mar waxay u tagaan dhakhtar ama rug caafimaad si ay u ogaadaan bal in ay jiraan dhibaatooyin-kasta oo dhinaca caafimaadka ah iyo in kale oo loo daweeyo wixii dhibaato caafimaad ee baadhitaan lagaga helo intayna sii xumaan ka hor. Dhakhaatiirtu waxay baadhitaan ku-sameeyaan dhiigga ama muunado kale oo qofka laga qaadayo.  Dugsiyada waxbarashadu waxay u baahan yihiin in ay carruurta wax kabaranaysa ay noqdaan kuwa la tallaalay.  Si aad u heshid xog dheeraad ah oo tallaalka ku-saabsan waxaad eegtaa shabkadda uu cinwaankeedu yahay cdc.gov/family/checkup/.

55) Faafinta Cudurada

 Dad badan waxay taxaddar badan ka muujiyaan dhinaca baahinta cudurrada.  Gacmaahaga ku maydho biyo iyo saabbuun: - Ka hor intaanad cunto diyaarin ama aanad cunin. - Kaddib marka aad qubayska ka soo baxdid. - Kaddib markaad ilmaha kabaddashad kaadi-dhawrta (cafaayadda). - Kaddib markaad duufka iska tirtid ama aad qufacdid ama aad hindhisootid. - Kaddib markaad xashiishka taabatid.  Marka aad qufacaysid iyo marka aad hindhisoonaysid sankaaga iyo afkaaga dabool.

56) Isticmaalka Heer-Kul-Beegga

 Kulka jidhkaaga waxaad ku cabbiri kartaa heer-kul-beegga afka ee carrabka la hoos geliyo ama kan kilkisha la geliyo. Kulka caadiga ee jidhka ee dadka intooda badan waa 98.6 degrees Fahrenheit. Kul-kasta oo kulkaasi caadiga ah ka-badan waxaa loo arkaa xumad.  Heer-kul-beegga waxaad ka soo iibsan kartaa farmasiiga ama dukaanada.  Haddii aanad hubin heerka ay halisnimada xumaddu gaadhsiisantahay, waxaad wacdaa dhakhtarkaaga ama rugta caafimaadka.

© 2011 Intercambio Uniting Communities. Dhammaan Xuquuqda Daabacaaddu Way Ilaashan-tahay. Iyada oo aan marka hore ogglaansho looga helin Intercambio lama badin karo.

57) Gargaarka Caafimaadka ee Gurmadka/Degdegga ah

 Marka ay jirto xaaladda caafimaad oo gurmad degdega ah u baahan, waxaad marwelba wacdaa 911.  Si aad dhiigga u joojisid nabarka uu dhiiggu ka soo daadanayo dabool oo cadaadis yar ku samee.  Qofka ay cunaha wax istaagaan/kusaxda wuxuu u baahan-yahay gargaar degdeg ah. Calaamadda cunaha ay wax istaagaan waa laba gacmood oo cunaha la saaro.  Waxaad qof uu shay cunaha istaago aad ku caawin kartaa adiga oo marar isku-xiga calaasho ka-cadaadiya qofkasta oo ay dhibaatadaasi soo gaadhay oo ay da’diisu ka-weyntahay hal sano. Tallaabooyinka hoos ku qoran raac: 1. Adiga qofka xagga danbe ee qofka taagan, farahaaga gacanta duub oo dhinaca suulka xigta ee gacaanta duuban feedhaha hoostooda (meesha ku beeggan xuddunka korkeeda) saar. 2. Gacaanta kale ku qabo gacantaad duuban, kaddibna si degdeg ah kor ugu cadaadi qofka, illaa uu shayga cunihiisa istaagay uu ka soo baxayo.

58) Ficillada Guud ee Ammaanka

 Waxaa meeshan ku qoran hababka aad ka-hortagi karasid shilalka iyo xannuunada: - Qalabyada korontada ku shaqeeya ee sida mashiinka rootiga lagu kululeeyo ama makiinadda timaha lagu engajiyo ha dhigin meel u dhaw meesha gacmaha lagu dhaqdo ama qubayska. - Abid bir ama jaandi ha dhexdhigin shooladda “microwave”. - Marnaba ha isku-dhex-qasin waxyaala kala-duwan oo nadiifiyayaal ah. - Si aad tartanka jeermiska baktiiriyada uga hortagtid cuntada kulul iyada kulul dhig, cantada qabowna iyada oo qabow dhig. - Hilibka qaydhin ha taabsiinin cuntooyinka kale iyo maacuunta. - Marka aad shay culus kor u qaadaysid dhabarkaaga oo qumaati u taagan jilbahaaga laab. - Marka aad baaskiil kaxaynaysid koofiyadda birta ah madaxa gasho. - Hubi in aad fahantay dhammaan tilmaamaha ammaanka ee goobta shaqada. - Marka aad dul socotid baraf meelo kula silbanaya si taxaddar saa’iida leh u soco.

59) Daryeelka Ilkaha

 Daryeelka aasaasiga ah ee ilkaha waxaa ka mid ah: - In aad maalin-welba laba illaa saddex jeer cadayatid iyo in aad maalin-welba findhicilatid. - In aad dhakhtarkaaga ilkaha si joogto ah ugu tagtid oo baadhitaan martid iyo soo nadiifisatid. - Cunitaanka midhaha dhammaystiran, khudaarta iyo midhaha iyo cuntooyinka macdanta kaalsheemtu ku jirto.

60) Jimicsiga iyo Cayilka

 Dadku waxay ku jimicsadaan orod, wadidda baaskiilka, iyo noocyo kale oo jimicsi ah.  Jimicsigu wuxuu kaa caawinayaa in aad caafimaad qab dhinaca jidhka iyo maskaxdaba ah dareentid.  Jimicsigu wuxuu kaa fududaynayaa cadaadiska dhinaca maskaxda ah, waxaa kale oo uu kaa caawinayaa in aad hurdo wanaagsan seexatid.  Waxaad isku-daydaa in aad toddobaadkiiba aad 30 daqiiqo ama in ka-badan aad jimicsi samaysid.

61) Eeg Waxaad Cunaysid

 Akhriso tilmaamaha korka kaga qoran cuntooyinka ee nafaqada ku-saabsan oo sidaasna ku ogow waxaad cunaysid iyo waxaad cabbaysid.  Ha cunin shay dhacay. Taariikhda dhicitaanka waxaa mar kasta loo qoraa sida bisha/maalinta/sannadka (Nofeembar 18, 1977 waxaa loo qoraa sida 11/18/77).  Tilmaamaha nafaqadu waxay intooda badani ku-salaysan yihiin 2,000 kaaloori (cabbirka tamarta) oo maalinwelba ah.  Ha badsanin cuntooyinka ay ku-badan yihiin dufanka tiraanis, dufanka, sonkorta, soodhiyamka iyo kooleestiroolka.  Sida qaalibka waxaa la soo dhigaa cunto aad u badan, sidaas-awgeed ha ka fikirin in marwelba aad dhammaysatid cuntada lagu soo hordhigay. Dadku waxay wakhtiyada intooda badan ay guryahooda u qaataan cuntada soo hadhaysa marka ay makhaayadaha ka cuntaynayaan, si ay cuntaadsi ay xilliyada danbe u cunaan cuntada ay hanbeeyeen.  Biyo badan cab. Sida qaalibka ah biyaha ka soo baxa qasabadaha gacmaha lagu dhaqdo biyo ammaan ah oo cabbitaanka ku habboon.

62) Sigaarka

 Cabbitaanka sigaarku wuxuu dhaawacaa jidhka, wuxuuna sababaa cudurro badan.  Cabbitaanka sigaarku waxaa kale oo uu waxyello u gaystaa ilkaha, wuxuuna xumeeyaa urta neefta ka soo baxaysa qofka sigaaryo cabka ah.  Sigaarku waa qaali, waxaa kale oo intaasi dheer cabbitaanka sigaarka oo ay dad-badani u qabaan aragti aan wanaagsanayn. Cabbitaanka sigaarku wuxuu mamnuuc ka-yahay goobo badan oo dadwayne.

63) Khamriya-Cabnimada

 Cabbitaanka khamriga aad u badan wuxuu dhaawici karaa jidhkaaga iyo xidhiidhyadaada.  Waxaa kale oo ay khamriya-cabnimadu kugu dhaqaajin kartaa dhibaatooyin dhinaca sharciga ah; dhibaatooyinka dhinaca sharciga ee khamriyacabnimada kaa soo-gaadhi kara waxaa ka mid ah xadhiga dambiga baabuur wadidda iyada oo la-khamriyaysanyahay.  Waxaa jira kooxo dadka ka caawiya joojinta balwadda sigaarya-cabnimada; waxaana kooxahaasi ka mid ah

“Alcoholics Anonymous” (AA).  Dadka khamriya-cabka ahi waxay sida qaalibka ah u baahan-yihiin taageerada qoyskooda ama saaxiibbadooda.

Khamriya-cabnimada waxaa loo qabaa aragti aan wanaagsanayn, laakiin helitaanka caawimaadda kooxda taageerada waxaa loo arkaa arrin wanaagsan.

© 2011 Intercambio Uniting Communities. Dhammaan Xuquuqda Daabacaaddu Way Ilaashan-tahay. Iyada oo aan marka hore ogglaansho looga helin Intercambio lama badin karo.

This article is from: