The Immigrant Guide - Somali

Page 19

Caafimaadkaiyo Dawaynta 45) Qolka Adeegga Caafimaadka ee Degdegga ah (ER)  Waxaad garataa qolka adeegga

 

caafimaadka degdegga ah (ER) ee ka jira goobta gurigaaga ugu dhaw. Qaybta adeegga caafimaadka ee degdegga ah bixiya waa in ay daweeyaan dadka dawaynta degdegga ah u baahan, oo ay ku jiraan xataa kuwa aan lacagta adeegga iska-bixin karayn. Qaybaha adeegga caafimaadka ee degdegga (ER) bixiya waxay furan yahay 24-ka saacadood ee maalinta. Adeegga caafimaadka ee ER ay bixiso wuxuu noqon karaa mid qaali ah, gaar ahaan haddii aanad haysan caymiska caafimaadka. Dhibaatooyinka dhinaca caafimaadka ee dawaynta degdegga ah u baahan waxaa ka mid ah kuwa hoos ku qoran: - Dhibaato xagga neefsashada ah. - Miyir beelidda ama dawaakhadda kadiska ah. - Isbeddel dhinaca aragga indhaha ah. - Xanuun ba’an oo kedis ah. - Xanuun ama cadaadis laabta ah. - Dhiig daadanaya oo joogsan-waaya. Xogta aad u gudbinaysid dhakhaatiirta, kal-kaaliyayaasha caafimaadka iyo shaqaalaha cusbitaalka waxaa loo xafdi doonaa si qarsoodi ah.

46) Xarumaha Daryeelka Caafimaadka Degdeggaq ah  Xarumaha daryeelka caafimaadka degdeggu waxay daweeyaan bukaanada uu dhaawac soo gaadhay ama xanuunsanaya ee u baahan daryeel caafimaad oo degdeg ah balse ayna xaaladdu gaadhsiisnayn heer loo geeyo ER. Daryeelka degdeggu wuxuu noqon karaa mid xawli-dheer lagu fuliyo, qiimahooduna wuu ka jabanyahay qiimaha adeegga ER.  Sida qaalibka ah xarumaha dareeylka caafimaadka degdegga ah wakhtiweba ma furna.

47) Habka Daryeelka Caafimaadka  Waxaa jira fursado badan oo caymiska caafimaadka lagu heli karo. Qaar ka mid ah shaqaaleeyayaashu waxay bixiyaan qayb ka mid ah ama dhammaan caymiska caafimaadka ee shaqaalahooda.  Marka aad caymiska caafimaadka iskaa aad u iibsanaysid qiimihiisu wuxuu qaalibu noqon karaa, laakiin wuxuu kaa dhimayaa biilasha caafimaadka ee aad u badan.  Waxaa hoos ku qoran qaar ka mid ah ereyo lagaaga baahan-yahay in aad macnahooda fahantid: - Premiums (carbuun) – lacagta caymiska ee aad bil-welba bixinaysid. - Co-pay (wada-bixin) – waa lacag yar oo joogto ah oo aad bixinaysid mar-kasta oo aad adeeg caafimaad heshid, waxaana lacagaha noocaas oo kale ah ka mid ah $30 oo aad kabixinaysid baadhitaanka joogtada ah ama $100 oo aad bixinaysid marka aad tagaysid ER. Kharashka intiisa kale waxaa bixinaysa shirkadda aad caymiska ku leedahay. - Deductible (kuwa la dhimi doono) – caddadka lacagta ee aad kharashyada ku bixinaysid ka hor intuusan caymisku wax lacag ah bixin.  Bulshooyinka intooda badani waxay leeyihiin rugo caafimaad iyo Waaxyada Caafimaadka Dadweynaha oo qiimo jaban ku bixiya adeegga caafimaadka.

48) Buuxinta Foomamka Caafimaadka  Marka aad dhakhtarka la kulantid ama aad buuxisid foomamka caafimaadka, waxaa lagu waydiin doonaa arrimo ay ka mid yihiin: In aad cawooyinka ku caarootid iyo in kale. - Haddii ay jiraan xanuunyo xilliyadii hore ku-dhacay. - Caddadaka khamriga iyo sigaarka aad cabtid. - Xaaladda caafimaadka qoyskaaga. - Haddii ay jiraan dawooyin aad imika qaadatid iyo kuwa ay yihiin.

© 2011 Intercambio Uniting Communities. Dhammaan Xuquuqda Daabacaaddu Way Ilaashan-tahay. Iyada oo aan marka hore ogglaansho looga helin Intercambio lama badin karo. 18


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.