7 minute read

Shaqooyinka iyo Goobta Shaqada

Next Article
Dukaamaysi

Dukaamaysi

20) Sida Shaqo loo Helo

 Waxaad shaqooyin ka heli kartaa shabakadda internet-ka (Craigslist.com), ama dhinaca saaxiibbadaa, “classifieds”, ama wakaaladaha shaqooyinka, xarumaha cududda shaqaalaha ama adiga oo kolba meel u lugeeya oo eega calaamadaha shaqooyinka lagu xayaysiinayo.  Qof firfircoon oo mintid ah noqo, hana ka-cabsan in aad diidmo la-kulantid.

Mararka qaarkood ka hor intaanad maqal jawaabta “haa”, waxaad u baahantahay in aad maqashid dhawr jawaabood oo “maya” ah.  Haddii aad xiisaynaysid in aad ganacsi bilowdid, si aad xog dheeraad ah u heshid ee SBA.gov.

21) Dukumeentiyo

 Sida qaalibka ah waxaa lagaaga baahan-yahay in aad haystid dukumeentiyo ay ka mid yihiin kuwa hoos ku-qoran: - Xogta xidhiidhka. - Xog ku-saabsan shaqooyinkii aad hore u qabatay. - Xaaladdaada waxbarasho. - Xirfado gaar ah, shahaadooyin dhigrii ah, shahaadooyin, iyo xiisadaha aad qadatid ee qaybaha takhasuskaaga.  Sida qaalibka ah waxaa dukumeentiyadan ku jiraya warbixin ka hadlaysa nooca shaqada aad raadinaysid.  Xog dheeraad ah iyo muunadaha codsiga shaqooyinka waxaad ka heli kartaa shabakadaha ay ciwaanadoodu yihiin.

22) Warqadaha Korka Laga Soo

Lifaaqayo

 Shaqooyin badan oo xirfadeed waxay u baahan-yihiin in korka kaga soo lifaaqdid warqad aad kaga hadlaysid sababta aad jagadaasi shaqo u xiisaynaysid, khibradaha shaqo ee muniisbka ah ee aad haysatid, iyo sababta aad u noqonaysid qof jagadaasi ku habboon.  Si aad khaladaadka ugaga ilaalisid warqaddaada u dhiib qof ay luuqadda

Ingiriisku afkiisa hooyo tahay si uu kuugu saxo.

23) Tix-raacyo

 Waa in aad dukumeentiyadaada aad shaqada ku doonaysid aad soo raacisid saddex ama tiro ka-badan oo tix-raacyo ah oo ay shaqaaleeyayaashu la xidhiidhi karaan si ay aqoon dheeraad ah ugu yeeshaan arrimaha hoos ku qoran: - Khibraddaada shaqo. - Shakhsiyaddaada iyo wadashaqaynta kooxeed ee aad leedahay. - Sida aad wakhtiga u ilaalisid iyo isku-halayntaada. - Adadaygyada iyo jiljileecyada aad leedahay.  Tix-raacyadaada ogaysii in ay dhici karto in la soo waco.  Marka aad shaqo ka tagaysid, waxaa wanaagsan in aad xaalad fiican kaga tagtid, maadaama ay dhici karto in aad qofka madaxa kuu ahaa aad tix-raac ahaan mustaqbalka ugu baahatid.  Waxaa xurmad-badan in aad shaqaaleeyahaaga ogaysiis 2-4 toddobaad ka-hor intaanad shaqada ka

tagin.

24) Sida aad u Noqonaysid

Shaqaale Wanaagsan

 Hoggaamiyayaasha iyo maareeyayaashu guud ahaan waxay doonaan shaqaalayaasha: - Aragtida wanaagsan leh ee muujinaya niyad wanaagsan oo shaqo. - La isku-halayn karo ee aad u dadaalaya. - Doonaya in ay waxyaalo cusub bartaan. - Isticmaalaya labbis iyo luuqad munaasib ah. - Shuruucda u hoggaansan, lana aammini karo.

25) Waraysiyada

 Markaad tagaysid waraysiga shaqo, waa in aad: - Goobta waraysiga gaadhid wakhtiigi laguu qabtay ka hor ama wakhtiga oo sax ah. - Sida habboon u labbisatid. - Sii barbaratid sida aad jawaabaha u bixinaysid ka hor intaanan waraysiga dhabta ah la-gaadhin. - Illaa xadka aad awoodi karaysid aad u urursatid xog ku-saabsan shaqada iyo shirkadda. - Hadashid adiga oo eegaya qofka ku-waraysanaya, waana inaad u fadhsatid si nafis ah, oo aad jidhkaaga u yeeshid qaab muujinaya in aad isku-kalsoontahay. - Jawaabahaaga ka dhigtid kuwa gaaban oo arrinta laga hadalayo waafaqsan.  Waraystayaashu waxay sida qaalibka ah soo jeediyaan su’aalo ku-saabsan khibraddaada, sababta aad shaqadan u xiisaynaysid, iyo kartida aad u leedahay in aad koox la shaqaysid.  Goobta waraysiga lagu qabanayo ka soo jeedi su’aalo wanaagsan oo ay ka mid yihiin: - Maxaad ka filaysaan qofka jagadan qaban doona? - Maxay yihiin arrimahaan u baahnahay in aan ogaado ee kusaabsan kooxda aan la-shaqayn doono?  Waxaa dhici karta in ka hor intaanan lagu shaqaalayn in aad martid dhawr waraysi.  Waraysiga kaddib, dadkii waraysiga kula-yeeshay u dir xusuus-qoryo aad ugu-mahad-celinaysid.

© 2011 Intercambio Uniting Communities. Dhammaan Xuquuqda Daabacaaddu Way Ilaashan-tahay. Iyada oo aan marka hore ogglaansho looga helin Intercambio lama badin karo.

26) Helitaanka Lacagta

 Marka uu shaqaaleeyuhu shaqada kusiiyo, wuxuu kuu sheegi doonaa caddadka lacagta ee aad qaadan doontid.  Waxaa dhici karta in lacagta lagu siinayo ay noqoto mid saacad laguugu xisaabinayo ama mushaar sanadeed. - Haddii aad mushaar kushaqaynaysid, waxaad marwelba lagu siinayaa caddad lacageed oo go’an. Waxaa dhici karta in shaqaalaha mushaarka qaata laga codsado in wakhti dheeraad ah shaqeeyaan iyaga oo aan lacag dheeraad ah lagu siinayn. - Haddii aad tahay shaqaale saacad loogu xisaabinayo, lacagta lagu siinayo waxay ku xidhnaanaysaa tirada inta saacadood ee aad shaqaysay. Caddadka lacagta ee aad qaadatid waxay noqon kartaa mid isbedbeddasha oo la socota kolba inta-saacadood ee aad shaqaysay.  Waxaa dhici karta in lacagta lagu siiyo toddobaadkiiba hal-mar, ama labadii toddobaadba hal-mar, ama bishii labajeer, ama bishiiba hal-mar. Marka labadii toddobaadba hal-mar lacagta lagu siinayo, hal sano waxaa ku soogaadhaysa 26 jeeg oo aad lacagtaada ku-qaadanaysid; sidoo kale haddii aad bishiiba laba-jeer qaadanaysid, halkii sanaba waxaa ku soo gaadhaya 24 jeeg oo aad lacagtaada kuqaadanaysid.  Qaar madaxsa shaqaalaha ka tirsan, adiga oo aan korodh mushaar ka codsan ayey korodhsiimo mushaar ku siin doonaan, ama waxay yeelan doonaan hab ay kordhsiimaha mushaarka ku-bixiyaan. Waxaa kale oo dhici karta in qaar kale oo madaxa shaqaalaha ka tirsan ay kordhsiimo mushaar ku siinayaan markaad adigu ka codsatid.

27) Faa’iidooyinka

 Faa’iidooyinka ay shaqaaleeyayaashu ay shaqaalahooda siiyaani way kaladuwanaan karaan, waxaana ka mid noqon kara caysmiska caafimaadka /adeegyada caafimaadka ilkaha, wakhtiyo fasax ah oo mushaar lagu qaadanayo, maalamaha fasaxyada xanuunka, iyo xaqa shaqo kafadhiisiga.  Shaqooyinka caadiga ah waxay leeyihiin sanadkiiba laba toddobaad oo fasax ah oo mushaar lagu bixinayo.  Badanaa waxay faa’iidooyinku kubadan-yihiin shaqooyinka wakhti buuxa la-qabanayo, waxayna ku yar-yihiin shaqooyinka wakhtiga firaaqada laqabto.  Haddii marka aad shaqaynaysid uu dhaawac ku soo gaadho, waxaad xaq u yeelan kartaa in aad shaqaaleeyahaaga lacag ka heshid.  Ururka Shaqaaluhu (A union) waa urur ay shaqaaluhu dhistaan oo ay ku helaan faa’iidooyinkooda iyo xuquuqahooda. Xubnaha ururka shaqaaluhu waxay ururkooda siiyaan qaadhaan lacageed oo ay kucaawinayaan hawlaha uu ururku qabanayo.  Xog dheeraad ah oo ku-saabsan faa’iidooyinka shaqaalaha la siinayo, waxaad ka heli kartaa shabakadda uu cinwaankeedu yahay bls.gov/opub/perspectives/.

28) Warqadda Mushaarka Lagugugu Siinayo

 Warqadda aad mushaarka kuqaadanaysid waxay muujinaysaa caddadka lacagaha lagaaga jaray canshuuraha federaalka iyo gobolada, iyo qaybta kaaga go’aysa

Dammaanadda Bulshada iyo

Daryeelka Caafimaadka (Medicare) (FICA). Canshuuraha FICA waxay kusalaysan-yihiin boqolkiiba caddadka lacagta aad shaqaysanaysid.  Caddadka lacageed ee lagaa qabanayo waa mid dhammaadka sanadka lagu bixinayo lacagta laga yaabo in ay kugu yeelato IRS. Haddii ay IRS muujiso in lacagta lagugu leeyahay ay ka-yar-tahay lacagta lagaa qabtay, waxaad heli doontaa lacagtaada baaqiga ah, sidoo kalena haddii lacagta lagugu yeeshay ay ka badato lacagta mushaarka laga jaray ee lagaa hayo, waxaad bixi doonto baaqiga lagugu yeeshay.  Lacagta “Duuduubka ah (gross)” waa mushaarkaagaaga oo aan caanshuuraha laga jarin, caddada

“saafiga (net)” ahna waa baaqiga mushaarkaaga ee soo hadhaya kaddib marka laga jaro canshuuraha.

29) Gunada/Mushaarka Ugu Yar

 Caddadka ugu yar ee gunnada waxaa beddela Golaha Kongireeska. Si aad u ogaatid caddadka ugu hooseeya ee gunada ee imika jira eeg shabkadda uu ciwaankeedu yahay DOL.gov. Gobolweliba wuxuu leeyahay caddadka gunada ugu yar oo isaga u gaar ah.  Waxaa dhici karta in shaqooyinka baqshiishka macaamiisha laga helo ku tiirsan, ee sida shaqooyinka makhaayadaha, ay helaan gunnooyin ka yar xadka ugu hooseeya ee gunnooyinka u yaalla.

30) Xaashiyada Wakhtiga Lagu Diiwaan-Geliyo/Saacadaha

 Marwelba dhigo risiidhyada muujinaya saacadaha aad shaqaysay ee ay saacaduhu soo saarayaan, ama haddii ayna saacaddu risiidh daabacan soo saarayn adigu xusuus-qorkaaga kudiiwaan-gasho saacadaha aad shaqaysay.  Haddii aad khalad la kulanid, waxaad ka soo qaaddaa in aan khaldka si ulakac ah loo-samayn, sidaas-awgeedna

ha ka xanaaqin.

31) Shaqooyinka Wakhtiga

Dheeraadka ah

 Guud ahaan shaqaaleeyayaasha waxaa waajib ku ah in saacdaha lashaqeeyaha ee toddobaadkiiba 40 saacadood dhaafsiisan ay shaqaalaha ku siiyaan lacag saacaddiiba dhan hal iyo badh lacagta ku soo hagaagaysa halka saac iyo wakhtiga caadiga ah ee shaqada. Sidaas-awgeed, haddii hadka halka saac ee wakhtiga caadiga ah ee shaqada aad heshid lacag dhan $10, waa in shaqada wakhtiga dheeraadka ah halkii saacba lagugu siiyo lacag dhan $15.  Si aad u heshid xog ku-saabsan caddadka gunada iyo xafiisyada saacadaha lacagta ku bixiya, waxaad eegtaa shabkadda uu ciwaankeedu yahay workingamerica.org.

© 2011 Intercambio Uniting Communities. Dhammaan Xuquuqda Daabacaaddu Way Ilaashan-tahay. Iyada oo aan marka hore ogglaansho looga helin Intercambio lama badin karo.

32) Naqshadaha Maaraynta &

Xidhiidhka Ka Dhexeeya

Shaqaalaha Meel Ka Wadashaqaynaya

 Goob-welba oo shaqo waxay leedahay shuruuc kala-duwan oo qoraan iyo kuwa aan qornayba. Shaqooyinka qaarkood waxay kuwa shuruuc rasmi ah leh oo dhigaya wakhti go’an oo goobta shaqada la imanayo iyo dirays gaar ah oo lagu shaqaynayo. Qaar kale oo shaqooyinka ka mid ahina waxay noqon karaan kuwa aan joogo ahayn.  Haddii aad shaqaale mushaar qaata tahay, waxaa dhici karta in qaar madaxda shaqada ka mid ah ay kaa dalbadaan in aad wakhti dheeraad ah shaqaysid iyada oo aan lacag dheeraad ah lagugu siinayn. Waxaa dhici karta in madaxda kale ee shaqadu ay ku-shaqeeynaan jadwal shaqo oo aan la-beddelayn.  Qaar shaqaalaha ka mid ahi waxay qaadanayaan wakhti ay saaxiibadooda kale ee ay meel ka-wada-shaqeeyaan ay la joogaan meel shaqada ka baxsan. Qaar kale waxay doortaan in ay yeeshaan xidhiidh xirfadeed iyo mid bulsheed oo gaar ah.

This article is from: