The Immigrant Guide - Somali

Page 10

Shaqooyinka iyo Goobta Shaqada 20)

Sida Shaqo loo Helo

 Waxaad shaqooyin ka heli kartaa

shabakadda internet-ka (Craigslist.com), ama dhinaca saaxiibbadaa, “classifieds”, ama wakaaladaha shaqooyinka, xarumaha cududda shaqaalaha ama adiga oo kolba meel u lugeeya oo eega calaamadaha shaqooyinka lagu xayaysiinayo.  Qof firfircoon oo mintid ah noqo, hana ka-cabsan in aad diidmo la-kulantid. Mararka qaarkood ka hor intaanad maqal jawaabta “haa”, waxaad u baahantahay in aad maqashid dhawr jawaabood oo “maya” ah.  Haddii aad xiisaynaysid in aad ganacsi bilowdid, si aad xog dheeraad ah u heshid ee SBA.gov.

21) Dukumeentiyo  Sida qaalibka ah waxaa lagaaga baahan-yahay in aad haystid dukumeentiyo ay ka mid yihiin kuwa hoos ku-qoran: - Xogta xidhiidhka. - Xog ku-saabsan shaqooyinkii aad hore u qabatay. - Xaaladdaada waxbarasho. - Xirfado gaar ah, shahaadooyin dhigrii ah, shahaadooyin, iyo xiisadaha aad qadatid ee qaybaha takhasuskaaga.  Sida qaalibka ah waxaa dukumeentiyadan ku jiraya warbixin ka hadlaysa nooca shaqada aad raadinaysid.  Xog dheeraad ah iyo muunadaha codsiga shaqooyinka waxaad ka heli kartaa shabakadaha ay ciwaanadoodu yihiin.

22) Warqadaha Korka Laga Soo Lifaaqayo  Shaqooyin badan oo xirfadeed waxay u baahan-yihiin in korka kaga soo lifaaqdid warqad aad kaga hadlaysid sababta aad jagadaasi shaqo u xiisaynaysid, khibradaha shaqo ee muniisbka ah ee aad haysatid, iyo sababta aad u noqonaysid qof jagadaasi ku habboon.  Si aad khaladaadka ugaga ilaalisid warqaddaada u dhiib qof ay luuqadda Ingiriisku afkiisa hooyo tahay si uu kuugu saxo.

23) Tix-raacyo  Waa in aad dukumeentiyadaada aad

shaqada ku doonaysid aad soo raacisid saddex ama tiro ka-badan oo tix-raacyo ah oo ay shaqaaleeyayaashu la xidhiidhi karaan si ay aqoon dheeraad ah ugu yeeshaan arrimaha hoos ku qoran: - Khibraddaada shaqo. - Shakhsiyaddaada iyo wadashaqaynta kooxeed ee aad leedahay. - Sida aad wakhtiga u ilaalisid iyo isku-halayntaada. - Adadaygyada iyo jiljileecyada aad leedahay.  Tix-raacyadaada ogaysii in ay dhici karto in la soo waco.  Marka aad shaqo ka tagaysid, waxaa wanaagsan in aad xaalad fiican kaga tagtid, maadaama ay dhici karto in aad qofka madaxa kuu ahaa aad tix-raac ahaan mustaqbalka ugu baahatid.  Waxaa xurmad-badan in aad shaqaaleeyahaaga ogaysiis 2-4 toddobaad ka-hor intaanad shaqada ka tagin.

9


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.