2 minute read

Carruurta

Next Article
Dukaamaysi

Dukaamaysi

73) Waalidnimada Gudaha

Maraykanka

 Isku-day in aad carruurtaada xidhiidh wanaagsan la yeelatid.  Bulshooyin badan waxay leeyihiin kooxo waalidnimo.  Waa sharci darro in carruurta lagu edbiyo habka dilidda ama hababka kale ee jidhkooda dhaawaca u gaysanaya ama jidhkooda iin u yeelaya.  Dayaca cunugga waa dambi culus.  Ilmuhu wuxuu sharciyan qof weyn noqdaa marka uu gaadho xuskiisa dhalashada ee sanadka 18aad .

74) Ilaalinta Caafimaadka

Carruurta

 Carruurtu sida qaalibka waxay maalintii cunaan saddex jeer iyo hal ama laba jeer oo cunto fudud ah.  Waxaad hubisaa in ay carruurtu biyo badan cabbayaan.  Carruurta ha ku-badnini cabbitaanada xumbeeya, juuska, nacnaca ama cuntooyinka iyo cabbitaanada ay sonkorta iyo dufanku ku badan yihiin.  Maalin-welba carruurtaad sii qureec caafimaadkooda u wanaagsaan oo siinaysa tamar ku filan oo ay waxbarashadooda dugsiga ku wataan.  Carruurta bar sida ay ilkahooda u cadayanayaan iyo marka ay cadayanayaan, sida ay gacmahooda iskaga maydhayaan iyo sida ay u qubaysanayaan. Waxaad xog dheeraad ah ka heli kartaa dhakhtarkaaga iyo dhakhtarkaaga ilkaha.

75) Ammaanka Ilmaha

 Haddii ay gurigaaga joogaan carruur yar-yari: - Waa in aad xadhkaha korontada ee godoka isticmaalka korontada ka soo baxaya aad si ammaan ah u dahaadhid. - Waa in aad daaqadaha kusamaysid difaac carruurta ka illalinayaa ka dhicitaanka daaqadaha. - Waa in kiimookinka nadaafadda, dawooyinka, iyo tarraqa aad dhigtid meel ayna carruurtu gaadhi karayn. - Waa in aad hubisid ammaanka carruurta yar-yar si ayna jaranjarooyinka ugaga dhicin.  Waxaa meeshan ku qoran talooyin kale oo dheeraad ah oo ku-saabsan ilaalinta ammaanka carruurta: - Waligaa ilmo ay da’diisu ka-yartahay 10 jir keligii baabuur ha kaga dhex-tagin. - Waxaad carruurta bartaa in ka-hor intayna waddooyinka ka tallaabin ay joogsadaan, oo ay iska eegaan baabuurta soo socota iyo in ay shanqadha baabuurta dhagaystaan. - Mar-welba ogow meesha uu ilmahaagu joogo; haddii aad sidaas samayn-weydid, waxaa dhici karta in lagugu dacweeyo dayacid ilmo.

© 2011 Intercambio Uniting Communities. Dhammaan Xuquuqda Daabacaaddu Way Ilaashan-tahay. Iyada oo aan marka hore ogglaansho looga helin Intercambio lama badin karo.

76) Qorshaynta Qoyska & Xakamaynta Dhalmada

 Sida ay sheegayso Waaxda Beeraha ee Dawladda Maraykanku (U.S), sida qaalibka ah kharashka koritaanka ilmaha ku baxaya illaa ay da’diisu 18 jir gaadhayso, waxaa ku baxaya kharash gaadhaya illaa $200,000.  Waxaa jira walaxyo dhalmada lagu xakamayn karo oo ay ka mid yihiin cinjirka la yidhaahdo kondhomka iyo kiniinka dhalma joojinta.  Carruurtu waxay u baahan yihiin in ay bartaan arrimaha galmada ku-saabsan; sida qaalibka ahna arrimaha kusaabsan galmada ee ay carruurtu dugsiga waxbarashada ku bartaani aadbay u yar-yihiin.  Si aad u ogaatid waxaad odhan lahayd iyada sida aad wada-hadalka u bilaabi lahayd, waxaad la xidhiidhaa rug caafimaad.  Arrimaha waxbarashada carruurtaada oo aad ka-qayb-qaadatid, waxay isbeddel wanaagsan oo muhiim ah kusamaynaysaa go’aamada ay carruurtu gaadhayaan.  Si aad xog dheeraad ah u heshid eeg shabakadda uu cinwaankeedu yahay womenshealth.gov.

77) Uurka

 Haddii marka aad uurka leedahay aad isticmaashid khamri, tubaako iyo daroogooyin, waxay kuwaasi isticmaali karaan caafimaadka ilmahaaga uurka ku jira.  Rugaha caafimaadka iyo xarumaha uurku waxay bixiyaan gargaar arrimaha kaa caawin kara.  Haweenka maraykanka jooga marka ay ilmahooda ku nuujinayaan goobaha dadweynaha xabadoodka ayey daboolaan ama waxay galaan qol kale.

This article is from: