The Immigrant Guide - Somali

Page 27

Carruurta

75) Ammaanka Ilmaha  Haddii ay gurigaaga joogaan carruur

73) Waalidnimada Gudaha Maraykanka

-

 Isku-day in aad carruurtaada xidhiidh wanaagsan la yeelatid.

-

 Bulshooyin badan waxay leeyihiin kooxo waalidnimo.

 Waa sharci darro in carruurta lagu

edbiyo habka dilidda ama hababka kale ee jidhkooda dhaawaca u gaysanaya ama jidhkooda iin u yeelaya.  Dayaca cunugga waa dambi culus.  Ilmuhu wuxuu sharciyan qof weyn noqdaa marka uu gaadho xuskiisa dhalashada ee sanadka 18aad.

74) Ilaalinta Caafimaadka Carruurta  Carruurtu sida qaalibka waxay maalintii  

cunaan saddex jeer iyo hal ama laba jeer oo cunto fudud ah. Waxaad hubisaa in ay carruurtu biyo badan cabbayaan. Carruurta ha ku-badnini cabbitaanada xumbeeya, juuska, nacnaca ama cuntooyinka iyo cabbitaanada ay sonkorta iyo dufanku ku badan yihiin. Maalin-welba carruurtaad sii qureec caafimaadkooda u wanaagsaan oo siinaysa tamar ku filan oo ay waxbarashadooda dugsiga ku wataan. Carruurta bar sida ay ilkahooda u cadayanayaan iyo marka ay cadayanayaan, sida ay gacmahooda iskaga maydhayaan iyo sida ay u qubaysanayaan. Waxaad xog dheeraad ah ka heli kartaa dhakhtarkaaga iyo dhakhtarkaaga ilkaha.

-

 -

-

yar-yari: Waa in aad xadhkaha korontada ee godoka isticmaalka korontada ka soo baxaya aad si ammaan ah u dahaadhid. Waa in aad daaqadaha kusamaysid difaac carruurta ka illalinayaa ka dhicitaanka daaqadaha. Waa in kiimookinka nadaafadda, dawooyinka, iyo tarraqa aad dhigtid meel ayna carruurtu gaadhi karayn. Waa in aad hubisid ammaanka carruurta yar-yar si ayna jaranjarooyinka ugaga dhicin. Waxaa meeshan ku qoran talooyin kale oo dheeraad ah oo ku-saabsan ilaalinta ammaanka carruurta: Waligaa ilmo ay da’diisu ka-yartahay 10 jir keligii baabuur ha kaga dhex-tagin. Waxaad carruurta bartaa in ka-hor intayna waddooyinka ka tallaabin ay joogsadaan, oo ay iska eegaan baabuurta soo socota iyo in ay shanqadha baabuurta dhagaystaan. Mar-welba ogow meesha uu ilmahaagu joogo; haddii aad sidaas samayn-weydid, waxaa dhici karta in lagugu dacweeyo dayacid ilmo.

© 2011 Intercambio Uniting Communities. Dhammaan Xuquuqda Daabacaaddu Way Ilaashan-tahay. Iyada oo aan marka hore ogglaansho looga helin Intercambio lama badin karo. 26


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.