7 minute read

Maaliyadaha

Next Article
Dukaamaysi

Dukaamaysi

33) Wakhtiga Canshuurta

 Haddii aad buuxisid shuruudaha lagaaga baahan-yahay, waa in aad sanad-welba 15-ka bisha Abriil ama inta ka horaysa aad soo gudbisid canshuurta dakhliga ah ee kuu soo noqonaysaa. Haddii aad u baahantahay waxaa kale oo aad codsan kartaa, in wakhtiga laguu kordhayo.  Waxaad canshuuraha soo gudbin kartaa adiga oo isticmaalayaa

Lambarka Dammaanadda Bulshada (SSN) ama waxaad isticmaali kartaa

Lambarka Aqoonsiga Canshuur

Bixiyaha (ITIN). Haddii aanad SSN lahayn, waxaad codsan kartaa ITIN.  Foomka 1040EZ waa mid fudud oo ay isticmaali karaan dadka aan doonayn in foomka 1040 oo buuxa.  Ku-tiirsanayaashu waa dadka dakhligaaga ku nool, ee sida carruurta aad adigu caawisid. Tirada dadka adiga kugu tiirsan iyo heerka uu dakhligaagu gaadhsiisan-yahay ayaa go’aaminaya caddadka aad bixinaysid ama aad qaadanaysid. Xogtan waxaa laga soo qaatay foomka W-4 ee aad buuxin doontid marka aad shaqo bilowdid.  Canshuurta Kireedhitka Dakhliga la

Shaqaysto (EITC), waa canshuurta shakkhsiyaadka shaqaalaha iyo qoysaska uu dakhligoodu hooseeyo.  Si aad u heshid foomamka iyo xogta canshuurta, waxaad eegtaa shabakadda uu cinwaankeedu yahay.

Shirkado kala-duwan oo ay ka mid tahay H&R Block ayaa canshuurahaaga kuu diyaarin kara, waxayna kaa qaadayaan lacag.

34) Foomka W-2

 Foomamka W-2 waxaa loo isticmaalaa warbixinta ku-saabsan lacagta shaqaalaha la siiyey iyo canshaaraha laga soo saaray.  W-2 waxaa lagu gudbiyaa canshuurta dakhliga ee 1-da bisha January illaa 31-ka bisha December.  Nuqulka foomka W-2 waxaa laguugu soo dirayaa farriinta boostada ama waxaad ka helaysaa goobtaada shaqada bisha January gudaheeda. Si aad canshuurahaaga u xeraysid isticmaal xogta lagu muujiyey foomkaaga W-2.

35) Diyaarinta Miisaaniyadda

 Waxaad diiwaan-gelisaa lacagtaada dakhliga (lacagta ku soo galaysa) iyo kharashkaaga (lacagta kaa baxaysa).

Diyaarso miisaaniyad bileedkaaga oo ay ku jiraan kharashyada ay ka mid yihiin: - Cuntada - Maaweelada - Jiifka - Adeegyada - Dharka - Taleefoonka - Caymiska - Gaadiidka - Deeqaha - Internet-ka

© 2011 Intercambio Uniting Communities. Dhammaan Xuquuqda Daabacaaddu Way Ilaashan-tahay. Iyada oo aan marka hore ogglaansho looga helin Intercambio lama badin karo.

36) Furitaanka Xisaabta Jeegga & Xisaabta Tashiilidda

 Baananka iyo ururada adeegga daynta bixiya waxay yihiin meelo ammaan ah oo lacagta la dhigan karo. Haddii lacaga aad meeshaasi dhigtid lumaan ama haddii la xado, waxaa lacagtaada kuu soo celinaysaa dawladda

Maraykanka (U.S.).  Ammaan ma’aha in jeebka lagu qaato lacag badan. Furitaanka xisaabta jeegga ee baanku waxay ku suuragelinaysaa: - In aad jeegag bixisid. - In aad diyaarisid karaka dheebitka, lacagtaasi oo isla-markaaba ka go’aysa lacagta xisaabtaada ku jirta. - In aad mashiinada ATM-ka aad lacag caddaan ah kala baxdid.  Haddii ay mashiinada ATM-ku ay baankaaga ama ururkaaga daynta kuxidhan-yihiin, waxaad adeeggooda ku helaysaa bilaa lacag.  Si aad xisaabta baanka u furatid, sida qaalibka ah waxaad u baahan-tahay laba foom oo aqoonsi ah, caddayn muujinaysaa cinwaanka lagaa helo iyo lacagta bilowga ah ee aad xisaabta ku furanaysid.  Marka aad dooranaysid baanka ama ururka daynta ee aad xidhiidhka la yeelanaysid, arrimaha aad ka fiirsan kartid waxaa ka mid ah: - Lacagta adeegga xisaabta ee aad bil-walba bixinaysid. - Caddadka lacagta dul-saarka. - Sida uu ugu dhawyahay gurigaaga iyo goobtaada shaqada iyo sida uu ugu-habboon-yahay ATM-yada.  Waxaa jira ganacsiyo dadka aan xisaabaadka baanka haysan jeegga lacag caddaan ah ugu beddela, laakiin ganacsiyada noocan oo kale ahi waxay ku adeeggaan lacag badan.  Boostooyinka ha ku dirin lacag caddaan ah. Haddii aanad xisaabta jeegga haysan, balse aad doonaysid in boosta lacag ku dirtid, waxaad iibsataa amarka lacagta (money order). Amarka lacagta waxaad ka heli kartaa qaar ka mid ah daaska baadka (grocery stores).

37) Qoridda Jeegga & Ku-

Qaadashada Lacagta

Caddaanka

 Si aad jeegga ugu beddeltid lacag caddaan ah, ama aad baanka u dhigatid ama si aad qof kale u gudubisid, waa in aad xagga danbe ee jeegga aad magacaaga ku qortid oo aad ku-saxeexdid (xagga danbe).  Markaad jeegga qoraysid waxaa lagaaga baahan-yahay in waxyaalaha hoos ku qoran ku muujisid: 1. Taariikhda. 2. Caddada lacagta oo tiro ah. 3. Caddadka lacagta oo xuruuf ah. 4. Magaca qofka ama shirkadda jeegga qaadanaysa/qaadanaya. 5. Saxeexaaga,  Haddii aad doonaysid in aad jeeggaaga qof kale u saxeexdid si uu lacag caddaan ah ugu qaato ama uu baanka ugu xeraysto, waxaad qortaa: 1. Sadarka kore ku qortaa “Pay to the order of” 2. Sadarka xiga waxaad ku qortaa magaca qofka 3. Ku-saxeex sadarka xiga  Haddii aad jeegga ku qortid lacag ka badan xisaabta baanka ku taalla, wuxuu baanku kugu ganaaxi doonaa lacag dhan $10 ama in ka badan.

38) Tashiilidda & Kordhinta lacagta

 Waxaa jira fursado badan oo aad lacagtaa ku kordhisan kartid. Lacagta kuugu jirta xisaabtaada tashiilashada ee baanka kuu taalla waxaad ku heli kartaa lacag dul-saar ah (dul-saar u dhaxeeya boqolkiiba 0 illaa 3), dhinaca

CDs (boqolkiiba 1 illaa 5), maalgelinta dulsaarka leh, raasumaal lagu darsanayo shirkadaha ganacsiga. Si aad xog dheeraad ah u heshid khabiir kala tasho.

39) Xaditaanka Aqoonsiga

 Waxaad si weyn uga-taxaddarta in ayna dadka kale aqoonsigaaga ogaan.

Arrintaasi waxay keeni kartaa in ay dadkaasi xogtaada shakhsiyeed ay u adeegsadaan furitaanka kaarkaaga kireedhitka. Marka aad xoogtaa shakhsiyeed siinaysid shirkadda kireedhit karaka, baanka, iwm. waa in aad noqotid qofkii xidhiidhka bilaabay.  Dukumeentiyada ay ku qoran-yihiin arrimaha hoos ku qoran ha tuurin ama dib ha u farsamayn, balse aad u jeexjeex: - Lambarka Dammaanadda Bulshada. - Lambarka xisaabtaada baanka. - Lambarka kaarkaaga Kireedhitka.  Marka aanad u baahnayn jeebka ha ku qaadan dukumeentiyada muhiimka ah ee sida baasaboorka ama shahaadada dhalashada.  Haddii ay ku soo gaadho farriin email ah oo ka socota IRS ama baanka ama ururka daynta (kireedhitka) oo lagaaga codsanayo xogtaada shakhsiyeed, waxaa laga yaabaa in ay mid been abuur ah tahay. IRS ma isticmaasho shaqada loo adeegsado email-ka.

40) Kaararka Kireedhit-ka

 Kaarka kireedhit-ku wuxuu kuu hirgelinayaa in imika wax iibsatid oo lacagta wakhti danbe bixisid. Marka uu sii dheeraadu muddada aad lacagta lagugu yeeshay oo dhammaystiran, waxaa sii kordhaysa lacagta dul saarka ee lagaa qaadayo. Caddada lacagta dul-saarku waxay noqon kartaa mid aad u badan.  Kaararku waxay leeyihiin lacaga kaladuwan oo sanad-walba la bixinayo, faa’iidooyin iyo caddad kala-duwan oo dul-saar ah.  Shirkadaha qaarkood waxay oggolaadaan dul-saar yar ama wakhti dul-saarka xor ka noqon doona ((0%

APR – Caddadka Dul-Saarka

Sanadka), laakiin marka ugu danbaysa waxay kordhinayaan caddadka dul-saarka.  Si aad u heshid kaarka kireedhit-ka, baanku wuxuu go’aamin doonaa in aad kaarka noocan oo kale ah aad awoodi karaysid iyo in kale. Kaddibna wuxuu baanka go’aaminayaa xadka ugu sareeya ee aad daynsan karaysid.  Adiga oo aan lahayn taariikh muujinaysa in aad iska-bixinta daynta ku fiican-tahay awgeed, haddii uu baanka ku ansixin-waayo kaarka kireedhit-ka, waxaad furan kartaa kaarka kireedhit-ka ee dammaanadda leh. Kireedhit-ka dammaanadda leh kuma bixin karaysid kharash ka-badan caddadka lacagta ku taalla.

© 2011 Intercambio Uniting Communities. Dhammaan Xuquuqda Daabacaaddu Way Ilaashan-tahay. Iyada oo aan marka hore ogglaansho looga helin Intercambio lama badin karo.

41) Cabbirka Taariikhda

Wanaagsan ee Dayn-iska-

Bixinta & Warbixinada

 Kaarka kireedhit-ku wuxuu daymiyayaasha (shirkadahah bixiya kaarka kireedhit-ka iyo shirkadaha bixiyaha daynta guryaha lagu iibsado ama lagu dhisto, iwm) u muujinayaa heerka ay amminimadaada dhinaca iska-bixinta dayntu ay taagan tahay.

Taariikhdaada wanaagsan ee dhinaca dayn bixintu waxay kuu suuragelinaysaa in aad heshid lacag dayn ah oo aad ku iibsatid alaabta qaaliga ah ee ay ka mid yihiin guryaha iyo baabuurtu.  Waxaad sumcaddaada dhinaca iskabixinta daynta aad ku dhisi kartaa adiga oo biilasha kaarka kireedhit-ka iyo daynta wakhtiga saxda ah iskaga bixiya.  Sida aad u heshid warbixinta kireedhitka oop bilaa lacag ah, waxaad eegtaa shabakadda internet-ka ee uu cinwaankeedu yahay annualcreditreport.com ama waxaad wacdaa taleefoonka 1-877-322-8228.  Sida aad u aragtid dhibcahaaga kireedhit-ka (amminimada dhinaca iska-bixinta daynta) waxaa lagaaga baahan karaa in aad lacag bixisid.

Guud ahaan dhibcaha kireedhit-ka ee 725-759 waa dhibco wanaagsan.

Dhibcaha 760 ka-sareeya waa kuwa aad u wanaagsan oo aad dul-saarka ugu yar ay dayn ku heli karaysid.

42) Nootaayo

 Nootaayadu waxay eegtaa saxeexyada dukumeentiyada muhiimka ah, waxayna xaqiijisaa in ay dukumeentiyo dhab ah yihiin.  Qaar machadyada lacagta ka mid ahi waxay adeeggan macaamiishoodu ugu fidiyaan bilaa lacag. Waa inaad marnaba adeeggan ka bixin lacag aad u badan.

43) Gudbinta Codsiga Caymiska

 Noocyada caymiska ee aad lacagta ka bixin karaysid waxaa ka mid ah gaadhiga, caafimaadka, nafta, guriga, caymiska kiraystaha, iyo naafanimada.

Sida qaalibka ah waxaad lacagta caymiska bixinaysaa bil-welba.  Haddii aad caymis leedahay, oo uu dhaawac ama shil dhaco, ka-hor intaanad shirkadda caymiska kaqaadan lacagta magdhawga dhaawaca ama shilka, marka hore waxaa lagaaga baahan-yahay in aad codsiga magdhawga xeraysatid.  Waa in codsiga magdhawga si sax ah u diyaarsatid ama waxaa dhacaysa in aad arrinta ku guul-daraysatid.  Si wanaagsan u xafid risiidhyada waxyaalaha waa-weyn ee aad iibsatid ama dayactirada waa-weyn ee aad samaysay.  Haddii ficil tuuganimo ah laguu gaysto, waa in aad isla-markaaba aad warbixinta booliska u gudbisid.

44) Tashiilidda Tamarta Guriga Dhexdiisa & Biilalka

 Biilasha caadiga ah guriga dhexdiisa waxaa ka mid ah korontada, biyaha, kulka/gaaska, taleefoonka, xashiishka, iyo khadka taleefishinka /Internet-ka.

Sida qaalibka ah waxaad heli kartaa fursad aad biilshadaa ku bixisid khadka internet-ka.  Waxaad tamarta iyo lacagtaadaba ku tashiili kartaa tallaabooyin fudud oo aad qaaddid, waxaana tallaabooyinkaasi ka mid ah: - Iibso gulubyada aan tamarta badan luminayn. - Taleefishinada, gulubyada iyo qalabyada kale ee korontada ku shaqeeya markaanad isticmaalayn dami. - Kulaylka iyo qalabyada kale ee hawada lagu-wanaajiyo isticmaal keliya markaad u baahan-tahay. - Xilliyada uu jawigu kulul-yahay, haddii uu habeenku qabow yahay, maalinimada guriga mugdi ka dhig oo hawada guriga soo geli. - Marka uu jawigu qabow-yahay, ilayska qorxda guriga soo geli.

This article is from: