The Immigrant Guide - Somali

Page 15

Maaliyadaha 33)

Wakhtiga Canshuurta

 Haddii aad buuxisid shuruudaha

 

lagaaga baahan-yahay, waa in aad sanad-welba 15-ka bisha Abriil ama inta ka horaysa aad soo gudbisid canshuurta dakhliga ah ee kuu soo noqonaysaa. Haddii aad u baahantahay waxaa kale oo aad codsan kartaa, in wakhtiga laguu kordhayo. Waxaad canshuuraha soo gudbin kartaa adiga oo isticmaalayaa Lambarka Dammaanadda Bulshada (SSN) ama waxaad isticmaali kartaa Lambarka Aqoonsiga Canshuur Bixiyaha (ITIN). Haddii aanad SSN lahayn, waxaad codsan kartaa ITIN. Foomka 1040EZ waa mid fudud oo ay isticmaali karaan dadka aan doonayn in foomka 1040 oo buuxa. Ku-tiirsanayaashu waa dadka dakhligaaga ku nool, ee sida carruurta aad adigu caawisid. Tirada dadka adiga kugu tiirsan iyo heerka uu dakhligaagu gaadhsiisan-yahay ayaa go’aaminaya caddadka aad bixinaysid ama aad qaadanaysid. Xogtan waxaa laga soo qaatay foomka W-4 ee aad buuxin doontid marka aad shaqo bilowdid. Canshuurta Kireedhitka Dakhliga la Shaqaysto (EITC), waa canshuurta shakkhsiyaadka shaqaalaha iyo qoysaska uu dakhligoodu hooseeyo. Si aad u heshid foomamka iyo xogta canshuurta, waxaad eegtaa shabakadda uu cinwaankeedu yahay. Shirkado kala-duwan oo ay ka mid tahay H&R Block ayaa canshuurahaaga kuu diyaarin kara, waxayna kaa qaadayaan lacag.

34) Foomka W-2  Foomamka W-2 waxaa loo isticmaalaa warbixinta ku-saabsan lacagta shaqaalaha la siiyey iyo canshaaraha laga soo saaray.  W-2 waxaa lagu gudbiyaa canshuurta dakhliga ee 1-da bisha January illaa 31-ka bisha December.  Nuqulka foomka W-2 waxaa laguugu soo dirayaa farriinta boostada ama waxaad ka helaysaa goobtaada shaqada bisha January gudaheeda. Si aad canshuurahaaga u xeraysid isticmaal xogta lagu muujiyey foomkaaga W-2.

35) Diyaarinta Miisaaniyadda  Waxaad diiwaan-gelisaa lacagtaada dakhliga (lacagta ku soo galaysa) iyo kharashkaaga (lacagta kaa baxaysa). Diyaarso miisaaniyad bileedkaaga oo ay ku jiraan kharashyada ay ka mid yihiin: - Cuntada - Maaweelada - Jiifka - Adeegyada - Dharka - Taleefoonka - Caymiska - Gaadiidka - Deeqaha - Internet-ka

© 2011 Intercambio Uniting Communities. Dhammaan Xuquuqda Daabacaaddu Way Ilaashan-tahay. Iyada oo aan marka hore ogglaansho looga helin Intercambio lama badin karo. 14


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.