The Immigrant Guide - Somali

Page 4

Sharciga iyo Kaalinta Booliska

2)

 Cabbitaanka khamrigu wuxuu ku

Shuruucda iyo wakaaladaha dhaqan-gelinta shuruucdu waxay bulshooyinkeenna ka dhigayaan goobo ammaan ah oo lagu noolaan karo, laga-shaqaysan karo laguna dal-xisii karo. Boolisku waa-qayb minitid ah oo sharciga u ugu hoggaansan sida uu u qoran-yahay. Marnaba ha laalushin sarkaalka sharciga. Sarkaashi booliska marwelba ula hadal si xurmayn leh.

1)

Wicidda 911

 911 wuxuu si dagdag ah ugaga jawaabaa wicitaanada gurmadka degdegga ah u baahan. Waxaad 911 u wici kartaa: - Ogaysiinta dab kacay. - Si aad warbixin uga gudbisid fal-dambiyeed gacanta lagula jiro oo markaas socda. - Si aad warbixin uga gudbisid shil gaadhi oo dhacay. - Si aad u xaalado caafimaad oo dagdag ah aad gaadhiga ambalaasta ugu heshid.  Isu diyaari in aad bixisid cinwaankaada iyo macluumaadkaada ku saabsan degdegga. Haddii aadan ku hadlin Ingiriisi, waxaad weydiisan kartaa turjubaan.

Khamriga & Daroogooyinka

 

3)

kooban-yahay dadka waa weyn ee ay da'doodu tahay 21 jir ama wixii ka weyn. Marka aad khamri dalbanaysid ama markaad makhmaradaha galaysid waxaa lagu waydiinayaa caddayn da'daada muujinaysa. Qofka khamri u shuba dadka ay da'doodu 21 jir ka hoosayso, waa laganaaxayaa. Sida qaalibka ah waa sharci-darro in khamriga lagu cabbo waddooyinka ama meelo guri ka-baxsan. Dadka qaxootiga/soo-haajiray in lagu caddeeyo in ay haystaan ama ay iibinayaan daroogooyin sharci-darro ah, waxaa dhici karta in dalka laga eryo ama in xabsiga la dhigo. Khamriga oo lagu cabbo meelo ay carruuri jooto waxaa loo arki karaa xadgudub carruurta lagu sameeyay. Haddii adiga ama qof kale oo aad garanaysid uu dhibaato la kulmo, waxaad la xidhiidhi kartaa barnaamijyada baxnaanaynta daroogooyinka iyo khamriga, sida "Alcoholics Anonymous" (AA) iyo "Narcotics Anonymous" (NA).

Cabbitaanka Khamriga iyo Gaadhi Wadidda

 Haddii marka khamri la-cabbo kaddib gaadhi la-kaxeeyo, waxay taasi keeni kartaa dhibaatooyin halis ah.  Haddii lagu qabto in ka-badan hal jeer adiga oo khamri cabbiyey oo gaadhi waada, waxaa lagugu xidhayaa dambiga gaadhi wadidda adiga oo sakhraansan (DUI) ama gaadhi wadidda iyada oo ay kartidaadu hoosayso (DWAI).

3


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.