The Immigrant Guide - Somali

Page 32

Xidhiidhka 90) Barashada Ingiriisiga  Barashada luuqadda Ingiriisku waxay kuu furaysaa alaabadada fursadaha waxay kuu oggolaanaysaa in aad dad badan la xidhiidhid. Barashada luuqadda Ingiriisigu waa hawl adag oo u sanado qaadanaysa.  Marwelba ka-qayb-qaado xiisadaha luuqadda Ingiriiska, laylisyadana kashaqee, mar-welba oo ay suurageltahay kula hadal dadka ay luuqadda iIngiriisigu afkooda hooyo tahay oo kubarbaro, dhagayso raadiyaha iyo heesha Ingiriisiga, waxaanad daawataa barnaamijyada luuqadda Ingiriisiga ku-baxa ee taleefishinka.  Ha yaxyixin, hana ka-cabsan in aad khalad samaysid. Dad waxbaran kara, waa dadka waxaa la baray ku barbarta.

91) Diridda Boostooyinka & Xafiiska Boosta

92) Liiska Ootomaatika ah  Waxaa caadi ah in marka aad xarun ganacsi ama wakaalad dawladeed aad taleefoon kula xidhiidhid, in islamarkaaba aad maqashid cod la sii duubay oo ay la socdaan fursado liis ah oo aad ka dhex dooran karaysid.  Si aad qof gaar ah ula hadashid, waa in aad marka hore dhagaystid liiska duuban, kaddibna aad wacdid lambarka gudaha ee qofka aad doonaysid in aad la hadashid.

93) Ammaanka Kumbuyuutarada & Internet-ka  Dad badani waxay ku xidhiidhaan

 Sida qaalibka ah gaadhsiinta 

boostooyinku waa mid xawli-dheer lagu fuliyo oo ammaan ah. Marka aad baqshadda cinwaanada ku qoraysid: 1. Cinwaanka qofka aad boostada u diraysid ku qor badhtanka baqshadda. 2. Cinwaankaaga ku qor dhinac kore ee bidixda ah 3. Farankabolada ku dhaji dhinca kore ee midigta ah. Farankabolooyinka waxaad ka iibsan kartaa xafiiska boosta iyo dukaamo badan oo cuntada iyo cabbitaanada lagu iibiyo. Warqadaha (boostooyinka) farankabolada lagu dhajiyey ee uu miisaankoodu ka hooseeyo 1 pound waxaa lagu dhex ridi karaa sanduuqyada birta ah ee buluugga ah ee boostooyinka la geliyo. Xafiisyada boosootooyinku waxay haystaan fursado badan oo ay boostooyinka iyo alaabta xidhan kudiraan.

 

-

-

khadka email-ka. Waxaad cinwaan bilaa lacag ah ka furan kartaa gmail.com, hotmail.com, ama yahoo.com. Marka aad shirkadaha u gudbisid cinwaankaaga email-ka, waxay iyaguna cinwaankaaga email-ka u sii gudbin karaan shirkado kale. Si aad ugaga hortagtid tuuganimada aqoonsiga shakhsiga lagu sameeyo isticmaal “software“-da lidka fayraska iyo“firewall“. Ha furan “attachment”-yada (lifaaqyada) kaaga yimaadda qof aanad garanayn. Farriimaha email-ka ee aad diraysid waligaa ha ku daran xogta shakhsiyeed ee ay ka mid yihiin kuwa hoos ku qoran: Lambarka xisaabta baanka. Lambarada Dammaanadda Bulshada. Lambarada Kaarka Kireedhit-ka. Furayaasha Qarsoodiga ah. Bixinta lacagta lagu helayo adeegga internet-ka waxay noqon kartaa kharash badan oo wakhtiga dheer ah. Baadhitaan ku samee fursadaha jira, waxaanad hubisaa muddada wakhtiga qandaraaska.

31


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.