The Immigrant Guide - Somali

Page 40

Bulshadaada 124) Guryaha Dadweyanaha ee Akhriska  Xaafadaha intooda badani waxay leeyihiin guryaha dadweynaha ee akhridka oo aad bilaa lacag kaga qaadan karaysid buugaag, CD-yada muusika iyo filimaan.  Haddii aad shayga aad la baxday aad dhaafisid wakhtigii loogu qabtay ee soo celinta, waxaad bixin doontaa lacagta gaanaxaa ee habsaamidda.  Guryo badan oo kuwa akhriska ahi waxay leeyihiin kumbiyuutaro aad ka heli karaysid adeegga internet-ka oo bilaa lacag ah.  Guryaha akhrisku waxay sida qaalibka ah bixiyaan xiisado waxbarasho, sidaas-awgeedna waxay noqon karaan meel wanaagsan oo lagu baran karo arrimaha ku-saabsan bulshada.

125) Xarumaha Madaddaalada & Beeraha Lagu Nasto  Xaafadaha intooda badani waxay leeyihiin xarumo madaddaalo oo leh goobaha jimicsiga, qalabka jimicsiga, barkadaha lagu dabbaasho.  Xarumaha madaddaaladu waxay sida qaalibka ah leeyihiin fursado kala duwan oo lacagta lagu bixiyo.  Xaafadaha intooda badani waxaa kale oo ay leeyihiin beero lagu nasto oo dadweyne oo bilaa lacag ah. Beerahaasina waxay yihiin goobo aad ugu habboon hawlaha ay qoysasku qabanayaan ee guriga dibaddiisa ah.  Beeraha lagu nasto ha kaga tagin xashiish.

127) Fursadaha Gaadiidka  Waxaa magaalooyinka waa-weyn si caadi ah uga jira basaska iyo tareenada dhulka hoostiisa mara. Meelaha kale waxaa si caadi ah looga isticmaalaa baaskiilada.  Sida qaalibka ah qiimaha tagaasidu waa qaali.

128) Lugaynta iyo Wadidda Baaskiilka  Markaad baaskiilka waddid ama markaad lugaynaysid ee aad waddooyinka ka tallaabaysid ha ka soo qaadin in ay baaburtu ku arkayaan.  Haddii ay mugdi tahay, marwelba laydhka shido ama gasho dhar birqaya oo meel fog laga arki karo.  Isticmaal dhinaca midigta ee waddada, waddada la lugeeyo. Dhinaca bidixda isticmaal keliya markaad qof kale dhaafasysid.  Marwelba ka talow isgoyska, waxaanad eegtaa calaamadaha dadka lugaynaya loogu tala-galay.

129) Dib u Isticmaalid  Xafada badani waxay farsamayn dib u isticmaalid ah ku sameeyaan qaruuradaha, caagga, macdanta, jaandida iyo warqadaha.  Si aad u ogaatid walaxyada farsamaynta iyo dib-u-isticmaalidda lagu samayn karo iyo sida dib u farsamaynta ay uga socon karto goobta aad daggan-tahay, waxaad la hadashaa dariskaaga ama dawladda deegaankaaga.

126) Ilaha Bulshada  Waxaa jira hay’ado bixiya caawimaad

dhinaca guryaha, cuntada, xannaanada carruurta, imw.  Si aad khayraadka bulshada u heshid waxaa meelo badan ka wici kartaa 211.  Waxaad dhici ka hor intaanad helin waxaad u baahan in aad u baahatid in aad la xidhiidh dhawr wakaaladood.

39


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.