The Immigrant Guide - Somali

Page 35

Dhaqanka iyo Xirfadaha Bulsheed ee Maraykanka Qaybtani waxay ka hadlaysaa dhaqanka Maraykanka. Dhammaan dadka Maraykanka ahi ama dadka hal waddan ama gobol ka yimid ma yeelan karaan iskusi uma dhaqmayaan. Shakhsi-weliba wuxuu leeyahay dhaqankiisa. Waxaanu qaybtan u isticmaali doonnaa arrimo guud oo kaa caawin doonaa in kala duwanaanshan ka fikirtid iyo in aad dhaqaankaagana ka fikirtid.

102) Nadaafadda  Sida qaalibka ah dadku:

101) Isa-salaamidda  Marka ugu horaysa ee qof aanad garanayn la kulantid: Kac oo indhahaaga iyo indhihiisa isla-hel (eeg). - Si xooggan u salaan. - Waxaad ku tidhaahdaa “My name is _______. Nice to meet you.” (“Magacaygu waa _____. Inaan kula kulmo aadbay u wanaagsan-tahay”)  Hab-siintu waxay caadi u tahay dadka isku-qoyska ah iyo saaxiibbada.  Waxaa muhiim ah in la xusuusnaado magacyada dadka.  Sida qaalibka marka ay dadku la hadlayaan dadka kale waxay isticmaalaan magaca kowaad ee qofka ay la hadlayaan. Mararka qaarkood marka aynu la hadlayno dhakhaatiirta iyo barafasoorada waxaanu isticmaalnaa horgalayaashooda magaca. -

Maalin-welba way qubaystaan. Maalintii laba ama saddex jeer ayey cadaydaan. - Waxay mardadaan/isku-buufiyaan shiir-dhawr (deodorant). Dad badani waxay dhibsadaan shiirka jidhka ama neefta qadhmuun, xanjada oo si dhawaaq-dheer loo ruugo, iyo candhuufta oo la tufo ama in meelaha uu dadku isugu yimaaddo lagu dhex daaco. In xashiishka lagu tuuro ama lagu daadiyo meel aan habboonayn oo gurigaaga ka-baxsan waa sharci-darro. Xashiishka ku rid meelaha saxda ah ee loogu tala-galay. Habaka qasabadaha iyo tuubbooyinka ee dalka Maraykanku waa mid la iskuhalayn karo. Warqadaha suuliga loo isticmaalo qashan-qubka suuliga dhexyaalla laguma dhex rido, waxaa lagu dhex tuuraa godka suuliga oo biyaha ayaa la raaciyaa. Ha ku riddin musqusha wax aan ahayn warqadda musqusha. -

103) Arrimaha aynu Bulshadu Oggolayn  Waxaa jira xog ay dadku jecel-yihiin in ay shakhsiga ku koobnaadaan. Dadka aanad aqoon badan u lahayn ha waydiinin arrimaha hoos ku qoran: - Fikradahooda siyaasadeed. - Mushaarka ama caddadka dakhliga ay helaan. - Xaaladaha xidhiidhkooda galmo kusaabsan. - Diinta ay aaminsan-yihiin. - Da’dooda ama miisaanka jidhkooda.  Dadka aad ha eegin ama farta ha ku fiiqin.  Carruurta iyo dadka kale dadka ee dhibsan hortooda ha ku hadlin hadalada aan wanaagsanayn.  Guud ahaan waxaa wanaagsan in la ilka-caddeeyo, in albaabada kuwa kale loo furo, iyo la yidhaahdo “fadlan” iyo “waad-mahad-santahay”.

© 2011 Intercambio Uniting Communities. Dhammaan Xuquuqda Daabacaaddu Way Ilaashan-tahay. Iyada oo aan marka hore ogglaansho looga helin Intercambio lama badin karo. 34


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.