1 minute read

Ishogaamin iyo hogaaminta dadka kale

IS HOGAAMIN

Badana waxa jirta odhaah tidhaahda sii aad u hoggaamisid dadka kale waxaad u baahan tahay naftada hogaamin kartid. Waa hab wanaagsan ku horimarinaysid kaalintada hogaamineed ka baarran degida iyo ka fikirada wax dhici kara markaaad adigu hoggaaminaysid. Maxaa yeelay waa horumar aad u baahan tahay wax ugu horreya waa in aad fahantid, waxaad samenaysid lakiin sidoo kale waa in aad adigu ku guulaysatid naftada dhiirigelisid tijaabisid qaab, hab kale oo hoggaamin karo. Hab la iskugu dayo marka hore iska fiiri ama u kuurgal sidee wax u dhacayan kulan ama shirka kooxda. Sidee samaysaa markaad samaysid sida adiga caado ku ah?

Advertisement

Inta kadib ka baaraan deg oo ka fikir maxay tahay sababta u samaaynaysaa sida aad samaysey. Dhawr su’aallo u isticmaal ka baaraan degida ka fakirida.

Waa kuwee aasaaska fikradaha iyo aragtida aan leeyahay iyo dadka kale, saamayn ma igu yeelan kartaa hoggaamintayda?

Waa sidee qaabkayga hoggaamiyenimo?

l Maxaan tijaabinaya iyo baranaya? l Waa kuwee hawlaha adag kujira kooxda ee aan arko

Fikirada bannaanka ka imanaya waxay abuuri karta ogaansho iyo maxaan samayna wanaagsan iyo sidee adigu dareemaysa iyo maxaad rabtaa in aad sii horumarisid kadibna tijaabis qaab cusub hoggaanimo. Ka bilow is beddelo yar yar iyo ka codso jawaab celin hoggaamintaada sii aad u sii hore loogu socdo. Noqo mid udhego nugul maxaa yeelay tan aad sameysay ama ku fikirtey bilowgii waxaa lagaa yaaba in ay kugu shaqayso sidii ugu wanaagsan adiga, lakiin waxaa lagaa yaaba in aad ogayn madaamo aad tijaabin qaabka/si kale in sameysid.

This article is from: