6 minute read
Goobada bilaw ilaa dhamaad
KULANKA KOWAAD XALQADA
Kulanka ugu horreya waa khaas. Wax laga yaab ka qayb galayaashu in aan is aqoon, waxa jirta labadaba rajo iyo cabsiba. Waa in aad tidhaahdid waan aad dareentid in aad joogtid guriga oo kale qolka ama nooca dhijitaalka hadii aad ku kulantan. Hubi kooxdu hadii u baahan yihiin horumar kooxeed sida tidhii Susan Wheelan iyo abuurid qorshe cad kulanka awgii.
Advertisement
KA FIKIRID:
• In wakhtiga lagu yimaado. • Looqalabeeyo qolka qaab soo dhawaynayd. • Waa in cadahay waxyabaha faahfaahin farsamo u baahan-waxay abuuraysa aamin qab. • U diyaari sida ama qaabka aad isu baranaysan. Doorta baaxad iyo qaab • Kooxda cusub qorshe in qaar bartaan tababar ku haboon kooxda, bartaan magacyadooda iyo sidii u ogaan lahaayen in wax ku caawin kara si u fududaato is barashadoodu. • U diyaari waraaqo iyo qalimo magaca lagu qoro – waa qaab fudud oo abuuri kara ka tirsanan kooxda si dhammaan la is magac barto.
Waa loo arki kara waxaan xiiso lahayn lakiin diyaar garowgu wuxuu abuuri kara aamin qab iyo kalsooni adiga ah
hoggaamiyaha marka kooxdu cusub tahay. Inta ugu badan dhacay inta lagu gudo jiro kulanka koowaad xalqad ama cirkeln waxay dhisaysa in ka qayb galayaasha is aaminan iyo ka qaybgelid ama ka mid noqosho, taaso muhiim u ah waajibaadka ama shuruudaha horumarka ama guusha xalqada waxbarasho ama kooraska.
MARKAY YIMAADANKA QAYB GALAYAASHU:
• Kula kulan albaabka agtiisa, mid mid u salaan. • Isu diyaari in aad akhridid magacyada ka qaybgalayaasha ka hor. • Ku salaan soo dhawaada oo isbar adigu, usheeg qofka tahay iyo magacaaga. • Sharraxaad iyo kawarbixiye Studieförbudet Vuxenskolan. Waa in aad soo hadal qaadid waxyaabaha farsamo sida qolka ama lookaalka hadii dabka kaco iyo xeeraarka nabadgelyada iyo SV caymiska ka qaybgalayaasha. • U ogol ka qayb galayaashu isbartaan.
INTA LAGU GUDAJIRO KULANKA KOOWAAD XALQAD/ WAXBARASHADA:
• Waa in aad bilowdo xidhiidh cad ka dhaxeeya mawduuc jeclaanaya dhawr dareen iyo ka qayb galayaasha. Kooxda isu keen kala hadal maado mawduuca, hadef iyo ka qayb galayaashu rajadoda. • Ka doodaya xeerarka wadaagan ku haboon wakhtiyada, xidhiidhka wada leyihiin, is ixtiraamka fikirada iyo wixii lamid ah. • Qor waraaq ama qalafka dhijitaalka hadefka iyo yoolka lawada leeyahay. • Abuurid ama cusboonaysi waxbarashada ama qorshaha shaqada waxaad soo heshayn. • Ka qayb galayaashu sii wada jir waa ogaadayn aqoon iyo khibradoodii hore, qalabka iyo xogaha aqoonta xalqada ama waxbarashada. • Waa in aad go”aamisan hadii rabtaan ku kulanta dhijitaal inta u dhaxaysa kulamadiina, maxaa yeelay hadii sida rabaan, halkaas doodaha iyo is dhaafsanaya sii waday. Ama ma laga yaab in toos u bilowdan? • Marka taagan tahay qaxwaha, qudaar ama rabtaan soo jimicsaten ama banaanka u yara baxdan waxay ku xidhan tahay baahida aad qabtan iyo waxay kooxdu ku heshiiso. • Kadib nasashada waxay caqli gal ah in adiga hoggaamiyaha u diyaar garowdid shaqada kale. Ka qaybgalayashu helayn tijaabada qaabka shaqada adigu rabtay loo isticmaalo. • Qiyaastii 15 daqiiqo inta dhammaan wakhtigu waxaa la bilaabi kara diyaar garowga kulanka ku xiga. Maxaad u baahan yihiin ka qayb galayaashu sameeyan? • Waxyaabaha u baahan in loo diyaar garoobo ka qayb galayaashu. • Dhammaadka iyadoo laraacinayo
waxyaabha laga fikiray ama laga baarran degay. Ugolow mid kasta ka qaybgalayaasha inu markiisa xor u noqdo inu ka sheego wuxuu ku hayo qalbiigisa ku sabsan kulanka ka dhacay. • Soo koob markay dhammaan dhameeyaan oo qor su”aalaha aad ku shaqayn doontan, kuwa u baahan jawaabo ama dood u baahantihiin sii socoto iyo waxyaabaha lagu heshiin doono. • Sii cad u calaamadi dhammaadka sii qofka rabaa inu gaadho bas ama ku degdegaya guriga sii ilmihiisa u hayo markay la dareemo in okey tahay in tagaan.
KADIB QAYBGALAYASHU TAGEN
• Hoos ku qoro dhawr ah fikiradaahaga iyo ka baarraan degida kulanka. • Waa in samaysid xusuus liiskii aad balan qaaday u diyaar garobaysid kulanka xiga. • Qor heshiisyadii wadajirka loogaadhay.
KULANKA SOO SOCDO WAXBARASHO
Waa muhiim qodobadan in laga fikiro: • Waa in aad saxadid ama hagaajisid qorshayaashada ka baratey adigu ka qaybgalayaasha iyo waxaad si wadajir ugu heshiisayn. • Isku bedel bedel istaraataji ama qorshaha kulanka waxbarashada sii
dadku qaabab kala duwan wax ugu bartaan oo uga haqabtirmaan ma uga dhergan waxbarashada: In aan helo qaab ka qayb galayaashu arki karaan, samayn karaan, dareemi karaan in qayb ka yihiin bilowga. • Isku day in aad isticmaasho qaababka digitalka ku dadaalaya barashada iyo kordhin ihtimaanka ama xiisaha. Su”aalo ciyaaraha iyo digitaal tijaabisan waa qalab wanaagsan oo baraarujinaya barashadeeda. • U diyaar garow qaar lamid ah ka hor kulamada soo socda kuwa ugu horeeya. • Waa in samayno qaab aan uga fikiro aan u xaqiijino kulan kasta qoraal ama afka ama digital. • Waxbarashadu waxay dhextaal xata ka qayb galayaasha dhexdooda. Waa in heshiis ku yihiin ka qayb galayaashu inta wakhti ku bixinayan kooraskooda wareegooda waxbarasho. • Waa in aad dhistid nidaam la raaco ku sabsan kooraska ama xalqad waxbrasho. Waxaad samayn karta bilow iyo dhammaad kulan kasta sii isku mid ah si u siisid qaab, dhismo iyo aamin qab ka qayb galayaasha.
QIIMAYN – KA BAARRAN DEGIN – HIRMARIN Hadii waxbarashadu u shaqayso sii wanaagsan in lasameeyo dhawr qiimayn oo yaryar inta socda koorasku waa qaab muhihiim. Ka qayb gala kasta waa in fikirkiisa ka fikiro sidii waxay u dhac-
eyn kooraskii hore iyo ka warrmay qaar kamid ah kooxda. Waa in aad waraaq ku qortid ama qalabka digitaalka sii loo sameeyo xaqiijin ama caddayn. Kawada hadla sidii ugu heshiin lahaydeen hadii si beddel dhaco. Waa muhiim ka qayb galayaashu in marka ugu horaysa helayn dhow daqiiqo iskood ugu fikiran, intaan bilaabin warbixinta afka ah. Qaar kamid ka qayb galayaasha degdeg u bilaabay in hadlaan, lakiin natiijadu waxay kaga sii wanaagsan tahay in dhammaan lasiiyo fursad isku mid ah. U oglow ka qaybgalayashu in ay fikiran, oo u suurogeli kara ka hadlan aragtidoda ama ra’yigooda (waxaad odhan karta idhaafi hadii aad rabin in ka hadashid shay ama su’aal oo kale tusaale) iyo kadibna ka wada xajoonaysan ama doodaysan iyo qiimayn wixii kasoo baxay fikiradihii dadka iyo waydiimihi.
SU’AALO LAGA FIKIRO:
Dhawr su’aalod ka codsan kartid ka qayb galayaasha in ka fikiran/ka baarran degan kulan kasta kadib:
• Maxaa wanaagsana/fiicna maanta? • Maxaan bartey maanta? • Maxaan sii wanaaji kara? • Sidee u sii wadi karna
CADDAYN/XAQIIJIN
Horumarintaada hoggaaminimo iyo ta ka qayb galayaashaba waa in aad u samayso wax cad lataaban karo ama wax ku ool ah kooraska taaso wixii dhacay wanaajinaysa caddayn ama xaqiijin qoraal ah.
Waa in aad qorta ama qiimaysa/xusuusananta kulan kasta kadib, aad sawirta, filim kaga duubta moobilkaaga, qoraalka xafida, wargeysi, isku dayda waraaqo- wax kasta jira waa in la xafido hannanka doonto ha noqoto mawduuca ama maadada laga hadlayo. La hadal ka qaybgalayaasha. Dukamantiga ama xaqiijinta waa in si wadajir ah u samaysan dhammaan kooxda oo dhan adiga hoggamiyaha ahna kaalintaadu waa in aad ku tidhaahdid ka qayb galayaasha in u qaadan karan guriga kulanka ugu danbeeya. Sidee uga warrami karna ama u sharraxin karna wixii aan samayn waxbarashada ama kooraska iyo sii faafinaya ama gaadhsinaya khibrada, waayo aragnimada, aqoonta iyo ra’yi ama fikrad ka helay waxbarashadii ama kooraskii? Waa kuwee kuwa noqon daneeyaal am xiisayn aan helay iyo kuwee aan ka gaadhi karna rabitaan keena?
KULANKA UGU DANBEEYA
Dhammaystiraya shaqadii bilaabantey kooraska gudihiisa. Dib ugu laabanaya yoolkii ama hadefkii wixii laga dhaay ila hada? Qiimayn ku samenaya rajooyinkii, natiijadii iyo qaybgelidi. Hadii idinku bilowdan waan hoos ku qortan rajoooyinka am wixii laga filayey kooraska -waxaad soo qaada waxyaabha barbardhig ku samenaysid. Maxaan sida
ka duwan samayn karna ama kasii wanaajin karna marka kale? Uda in dhammaan ka fikiran ama ka sheekeyan ama sameeyan qoraal fudud kaaso iskood uga qayb qaadanayan, qor 1 illa -10 ku calaamadii waraaq. Soo ogow sida qaybtu u sameso qiimaynta kooraska, maanta qaybo badan waxay ku sameeyan qiimaynta qaab casri ah dhijitaalka ah taaso sameyaan kadib ka qaybgalayaashu kooraska.
CADDAYN/XAQIIJIN
Qaabka bangiga waa soo ururinayna, tababarro, qaabab iyo qalab som la isticmaalikaro kooraska ama waxbarashada. Waxaad eegta waxaa u baahan tahay in isticmaashid sii kugu fududaato wada hadalka iyo ka qaybgalku, sii aad u heshid dhaqdhaaq iyo quwad ama tamar, ama uga fikirtid oo faallootid qiimayntii intii lagu jiray kulamada.